Dhibaatooyinka dawarsaduhu innagu hayo.

Ku: Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed;
Ku: Taliya Ciidanka Pooliska Jennaraal Maxamed Aadan Saqadhi-Dabagale;
Ku: Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamud Caydiid-Soolteeko iyo dhammaan ba ciddii kale ee ay khusayso.
Magaalada Hargeysa, waxa maalin wal ba ku soo qulqulaya dad ajaanib ah, oo ka yimid dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaan dalka Itoobiya. Way fiicantahay, inay innoo yimaaddaan dad cilmi iyo aqoon ba innagu soo kordhiya si ay xirfadaheennu u horumaraan bal se qulqulkani maaha kii aynu u baahnayn, dhib mooyee dheef na innooma laha.
Dadka dawarsiga ku mabay baa ah kuwa aynaan u baahnayn ee innoola jooga qodobbo dhawaac iyo dhabar jabba innagu ah dawlad iyo shacab ba.
Dadkan hortuban Bakhaarada, dukaamada, guryaha, goobaha basaska laga raaco iyo masaajiddada oo ay gudahooda iyo hortoodaba ay ka qaylyayaan.
Dadkaa dawarsadaa, dhibaatooyinka ay innagu hayaan waxa ka mid ah:
1. Dhaqaale burbur aan tiro lahayn.
Hadiiba, magaalada hargeysa ay joogaan 300 oo qof oo kuwa dawarsada ahi – way ba ka badanyihiine – lacag intee le’eg baa innagaga baxda maalinkii?
Haddii ba maalinkii 100 meheradood ay wax waydiistaan oo 50 ka mid ahi siiyaan min 1000 Shilin, qofka keliya wuxu heleyaa 50,000  (koton kun oo shilin) maalinkii. Dadka magaalada hargeysa joogana waxa aynu ku qiyaas nay 300 ugu yaraan – wayse ka badanyihiin – iyana waxa ay noqoneysaa inay helaan isku gayn lacag dhan 15,000,000 ( Shan iyo toban milyan oo Soomaalilaan Shilin ah) oo u dhiganta  $ 1, 775.14 ( kun, todoba boqol, iyo shan iyo todobaatan, iyo afar iyo toban senti, oo doollarka mareynkan ka ah.)
 Bishii waxa ay noqoneysaa lacagtaasi 450,000,000 (Afar boqol iyo kontan milyan oo Soomaalilaan shilin ah), una dhiganta      $ 53,254.44 ( saddex iyo konton kun, laba boqol iyo afar iyo konton, iyo afar iyo afartan senti oo doollar.)
Bal sannadkii xisaabi?
Intaa waxa dheer, dhammaan dhaqaalaha intaa le’eg dalka kuma celiyaan e, waa ay kaydsadaan oo baahiya kale ee ay qabaan way dawarsadaan: Biyaha, cuntada, dharka iyo wixii kale ee ay u baahdaan ba.
Sida ay ii sheegeen sarriflayaaal aan wareysatay iyo qaar iyaga ka mid ah oon la kulmay ba, lacagta dhammaanteed, waxa ay u baddalaan ta Itoobiya wayna dirsadaan amaba marka ay muddo joogaan way noqdaan oo dalkooda ayey la tagaan marka ay ku soo qabsadaan waxa ay rabaanna dib ayey ugu soo noqdaan shaqadan aan dhididka badan lahayn ee kumaakumka laga helayo.
2. Dhaqan xumo badan bay innagu hayaan.
Dadkani, waxa ay iskugu jiraan waayeel, dhallinyaro iyo caruur aad u yar yar oo dhabarka lagu sido oo badankoodu ku dhashay dalka.
Sidey u dhashaan?
Iyada oo ay jiraan qaar caadi u dhasha oo aanbo iyo hooyo wada dawarsadaa ay iska dhaleen, haddana qaarkood waa ubad ay dhaleen hablo iyo innamo badan oo xabagta cabba ayaa jira oo waabab yaryar ka sameystay dooxyada agtooda, meelahan baa lagu sameeyaa xumaan walba oo ay ku heshiiyaan. Ka dib na sidaa ayey ku qaadaan uur kuna dhalaan ubad yaryar, muddo ka dib na ilmaha yar mid kale oo dawarsata ayey kireysaa, si lacag loogu helo ama ba iyada ayaa ku dawarsataba.
Dhaqan xumada kale ee ay innagu soo kordhiyeenna, waa in ay dadkeennii qaar badan oo ka mid ahi ka barteen dawarsiga oo uu hunguri-maskax ku dhacay.
3. Bilic xumo iyo nadaafad xumo ayey innagu hayaan oo innaga caasimadda bilicdeedii laa taag heli la’yahay baa haddana ay iguna meelkasta oo ay iskugu yimaaddaan khashin iyo raadhin ay baco ku gureen ay kaga tegayaan.
Badhtamaha suuqa ayey ku xaajagutaan oo ubadka yaryar ee ay sitaan ugu xaajagudaan. Taasi waxa sabab u noqon kartaa si fudud inay cudurro u gudbaan oo innoogu fidaan.
4. Cudurro inay innoo soo gudbiyaan baa suuragal ah.
Maadaama oo ay dhibaatooyinkaa iyo qaar kale oo badan ba innagu hayaan waxa waajib innagu ah inaynu Talo Qaran ka gaadhso soo gelitaanka dadkan oo laga yeesho siyaasad cad oo dadkan innaga xaddida.
Si gaar ah bay farriinteydu ugu socotaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Madax meel la taabto oo ka sarreysaa ma jirto ee arrimaha Gudaha ee dalka adiga ayaa haya ee tallaabo wax ku ool ah ka gaadh arrintaa.
Wabiilaahi Tawfiiq.
W/Q: Maxamed Mowlid Ismaaciil-Quraysh

—

Mohamed M. Ismail.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker