HORU MAR LA’AANTA DHALINYARADA SOMALI LAND KA HAYSATA KUBADA CAGTA.

hadaynu taariikhda dib u milicsano sanadihiih todobaatanaadkii ilaa sideetamaadkii  (1970/1987) wakhtigaa somali land ahaan waxaynu ahayn meel ay higsato somaalida inteeda kale waxa jiray                       akadamiyado ay ka soo baxaan citaartoy xirfada kubada cagta aad ugu horumarsan oo israacsan labada arin ee aynu hibada ulahayn ayay ka mid ahayd(kubada cagtu iyo fanku) inanka kubada ciyaaraa wuxuu lahaa yool iyo higsi waxaanu soo mari jiray oo uu ka soo dhex bixi jiray heer dugsi ilaa heer gobol dugsiyada wax barashada ayaa lahaa goobo sida waxbarada ardeyga lagu soo barbaariyo kubada cagta iyo ciyaaraha kaleba sida baaskitka,faalida, haan boosha iyo arodadaba. ardeygu wuxuu ahaa qof waxbarashada iyo kubada cagta labadaba ku fiican. Hadaynu eegno faraqa udhexeeya. dhalintaa hore ee kubada ciyaari jirtay iyo kuwa hada kubada cagta ciyaara, waxaynu odhan karnaa aad bay ukala fog yihiin tusaale ahaan.

 

DHALINTII HORE.

1-waxay ahaayeen dhalin ku eeg ciyaarta kubada iyo wax barashada.

2-waxay ahaayeen dhalin aan ku jirin tiimam ama kooxo shar wada yaal ah oo faash iyo tooray midna aan sidan (wakhtigaa hore wey kala soocnaayeen gaangistariska iyo ciyaartoygu,

3-dhalintaa hore may lahayn balwad qaad,sigaar iyo wixii la mid ah.

bulshaduna wakhtigaa hore wey kala soocnayd oo iskumay dhex milnayn sida hada ay tahay, qof walibana wuxuu raaci jiray oo uu la saaxiib ahaa halka uu bulshada kaga jiro tusaale ahaan darawalku darawalada macalinku macalimiinta ardeygu ardeyda.

wakhtigaa hore wey jireen kooxo bakoorado habeenkii qaata oo kooxo kale ay dagaalamaan ardayga iyo wiilka kubada ciyaaraa kamuu mid ahaan jirin kaliya wuxuu ku ekaa waxbarashada iyo xirfadaa kubada cagta,dhalinta hada kubada ciyaartaa ma laha astaamahaa dhalintaa hore lahayd ee aynu kor ku soo xusnay. hadaynu taabano halka laga saxi karo iyo sida loo toosinayaa waa sida tan.

 

1-wasaarada dhalin yarada iyo ciyaarahu inay samayso qayb wacyi galin ah oo culimadu wasaarada ku leedahay dhalintu kooxaha ay leeyihiina wacyigalin ka sameeya garoomada iyo siminaaro ay uqabtaan wasaarad ahaan culimaduna rool ku leedahay.

2-in wasaaradaha dalka iyo shirkadaha waaweyn lagu amro inay sameeyaan kooxo kubada cagta ah oo ay maal galiyaan isla markaana ciyaartoygana ay ku xushaay shuruudo ah inaanu balwad lahayn,akhlaaq wanaag iyo inaanu ka mid ahay kooxaha dagaalama ee faashashka sita, haday kooxo waaweyn oo dhamaan gobolada dalka ka dhisan gacantana ay ku hayaan wasaardaha iyo shirkadaha waaweyni dhismaan shuruudaha adag ee citaartoyga lagu soo xulanayona leh waxa dhacaysa in dhalintu dalku yeelato yool iyo higsi isla markaana akhlaaqdii dhalinta dalkeenu ku hagaagayso.

 

Allaa Mahad Leh.
[  ]Qoraa MUUSE XUSEEN XASAN         (muuse case)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker