Dawlada Turkiga oo Iskuul Casriya oo dhanka Xirfadaha ah ka Dhistay Dalka Rwanda
Wakiilka Dawlada Turiga U Qaabilsan Wadamda iyo badhtamaha Bariga AFRICA ayaa Sheegay in Dawladisu ay Caasimada Dalka Rwanda ee Kigali ka Yagleeli Doonto Iskuul lagu Barto Xirfadaha .
Waxaanu Isla Gaadhnay Madaxda Dawlada Rwanda Heshiis is Afgarad.sidaas waxaa waraysi lala yeeshay ku Shaaciyay Wakiilka Turkiga ee Wadamda africa Burcu Cevik
.
Mss Cevik Ayaa sheegay inay Go,aansadeen inay Kigaali ka dhisaan Iskuul dhanka Farsamda Xirfadaha ah ka dib markay Arkeen inay jirto Baahi wayn oo ay U qabaan dhalinyarada Wadankaasi si ay u Sameeyaan Shaqooyin ay ku dabaraan Nafahooda.
Waxaanay intaa Raacisay mss Cevik in Dalka Rwanda uu lee yahay dhalinyaro Balaadhan oo U baahan in la Baro Xirfado si Loo horu mariyo Waxsoo saarka dhanka Dadka wadankaasi.
Tirakoobkii ugu Dambeeyay ee dalkaasi Rwanda ayaa ahaa kii la Qaaday Sannadkii 2012 Markaas oo lagu ogaaday in Tirada Dadka Wadankaasi ay Gaadhayso 10.5 Million oo Isla markaana dhanyarada Da,doodu U dhaxayso 14 ilaa 35 ayaa Dadka wadankaa ka Noqonaya 4.2 Million.
Dalka Turkiga yaa ah mid Aalaaba ka Horu marsan dhanka Xirfada Waxaanuu Turkigu ka dhisay wadamada ay Saaxiibada Yihiin Iskuulo badan oo dhanka Xirfadaha ah , waana Halbeega wadanka Turkiga isagoo ka Duulaya dhanka Ganacsiga.