TAARIIKHDII IYO GABAYADII ABWAAN “QAASIM” 

Axmed ismaaciil diiriye (Qaasim) alle ha u naxariistee wuxuu ku dhashay magaalada Mandheera, ee gobolka saaxil hilaadu markay ahayd sanadkii 1933-kii.
Abwaanku wuxuu ku barbaaray oo ku kacaamay nolosha miyiga ilaa 12 jirkiisii isagoo wax kasoo qabtay nolosha reer miyiga qaybaheeda kala duwan sida adhi jir iyo geel jire.

Markii uu nolosha miyiga ku gaadhay 12 jir wuxu u soo wareegay magaalada Hargeysa oo yimi isagoo halkaas ka bilaabay geedi waxbarasho oo dheer, waxabarashadiisii ugu horraysay dugsiga Axmed Gurey ayuu ka bilaabay, markii uu marayey fasalka 3aad ayaa abwaanku wuxu u wareegay magaalada burco ee gobolka togdheer si uu halkaas uga sii wato hayaanka waxbarashada, wuxu abwaanku joogay magaalada burco intii uu ka dhamaynayey fasalka 8aad ee dugsiga hoose dhexe, markii uu dhameeyey alle ha u naxariistee wuxu abwaanku nasiib u yeeshay inu kamid noqdo ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanaadka waxaanu nasiib u helay inu ku biiro dugsigii sheikh ee sos kaas oo ay gali jireen ardayda kaalmaha sare ka gasha dugsiyada oo ay kasoo baxeen haldoor badan oo umada somaliyeed ugu jiray kaalin aan la iloobi Karin.

Alle ha u naxariistee abwaanka waxay isku fasal ahaayeen ambassador xuseen cali ducaale oo ku magac dheeraa (cawil), ibraahim hereri oo ahaa abaaha weriyaha weyn ee caanka ee cabdisalaan herari, kuwaas oo mudo aad u dheer ay isku fasal ahaayeen, sida uu cawil ku qorey buugiisa raad-raaca taariikhda soomaliyeed wuxu xusay in uu isagu bixiyey labada naanaysood ee hereri iyo qaasim waa tan siday u baxeen.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxa fasalkii ay wax ku dhigan jireen waxa soo galay yuusuf xaaji aadan qabille oo kamid ahaa rukunada barayaasha soomaliyeed sidoo kalena ahaa aabaha 2aad ee waxbarashada soomaliyeed waxa la socday mr. bell oo ahaa agaasimaha waxbarashada u qaabilsan maxmiyadii ingiriiska ee Somaliland, arday walba waxa la weydiiyey magaciisa markii ay axmed ismaciil diiriye (qaasim) la soo gaadhay ayuu cirkaas ka qayliyey isagoo isagoo leh “anigu qaasim baan ahay” waa lawada yaabay waxa ku dhacay ardaygan sadex jeer ayaa magaciisa la waydiiyey sadexda jeer wuxu u jawaabay anigu qaasim baan ahay.

Yuusuf xaaji aadan ayaa inta uu soo kacay dibada ula baxay halkaas oo uu kaga soo qorey magaciisa oo sadexan, markii qoristii magacyada ardaydu ay dhamaatay ayaa qaasim la weydiiyey sababta uu u qayliyey ee uu qaasim u sheegtay waxaanu abwaanku ku jawaabay “gaalka cad Ayaan ka baqay waxaan is idhi kolley wuu ku dilayayaaye ha ogaado in aad qaasim isaxaaq tahay oo laguu aari doono” sidaas ayaana maantaa dabadeed loogu naanaysay qaasim oo gadaalkii caan ku noqday alle ha u raxmadee.

 

Ibraahim herari waa aabaha weriyaha weyn ee soomaliyeed ee cabdisalaan herari maalintii fasalka lawada qorey isaga iyo qaasim iyo cawil waxa uu herari gashanaa oo ku labisnaa khamiis cad, koodh xardhan oo aan gacmo lahayn ayuu khamiiska ka dul-gashanaa iyo koofid tal ku xardhan yahay, halka qaasim iyo ambassador cawil ay xidhnaayeen shaadh cad iyo surwaal gaaban.

Ibraahim lebiskiisu wuxu ahaa lebis aan hargaysa laga aqoon cawil ayaa markaa ibraahim weydiiyey meesha uu ka yimid? Ibraahina wuxu ku jawaabay “waxaan ka imid magaalada herer” goobtaas ayaana uu cawil uu ku dhajiyey naanaysta ah hereri oo ilaa maanta noqotay mid ilaa caruurtiisa loogu yeedho alle ha u raxmado dhamaantoode.

 

Alle ha u naxariistee abwaanka macalimiintii waxsoo bartay waxa kamid ahaa maxamed jaamac badmaax iyo gabyaagii weynaa ee macalinkana ahaa Abwaan muuse galaal eebe ha u wada naxariisto dhamaantoode.
Abwaanku wuxu intaa kadib u dhoofay magaalada Cadan ee dalka Yaman, wuxuuna ku soo laabtay hargaysa markii uu maamulkii ingiriisku ka laalaabtay ee ay xoriyada heleen carriga gobolada waqooyi ama Somaliland. Abwaanku alle ha u naxariistee Wuxuuna shaqaale ka noqday dawladda hoose ee magaalada Burco.
Alle ha u naxariistee abwaan Axmed ismaciil diiiriye qaasim wuxu ahaa hal abuur eebe weyne ku manaystay curinta suugaanta wadaniga ah, halqabsiga dharaaraha xusuusta leh, sidoo kale wuxu ahaa geeraarshaa ku maansooda badweynta maansada somalida sida gabayga iyo geeraarka.

 

AL- MADAR (GABAY)
Abwaanku alle ha u naxariistee wuxu ahaa madaale aan marna ka nasan danta guud wuxu ahaa mid heegan uga jira dhalinta xorinimadii mudada dheer lagu taamayey in gayiga somaliyeed helo.
Hadaba abwaanku waqti waqtiyada kamid ah isagoo guubaabinaya koox uu ka tirsanaa oo almadar la odhan jiray kuna dhiiri galinaya inay ingiriis ka saaraan dagalkooda ayuu tiriyey gabay guuboobo iyo kicin ah oo uu dadka ku tusayo dhibaatada iyo silica uu ingiriis dadkii somaliyeed baday.
Gabaygan wuxu abwaanku tiriyey sanadkii 1957 isagoo ka dhex tiriyey shir ay lahaayeen koox uu abwaanku kamid ahaa oo almadar la odhan jiray wuxu yidhi abwaanku:
Nimankii almadar een lahaa odayaday dhaami
Isticmaarka nimankaan lahaa udubaday saari
Ingiriiska nimankaan lahaa uruba way dhaafin
Iyagaa ku noolayn kuwaan u asaloolaayey
Dhulka ololay uubaha la qoday uunka kala guuray
Ololaha colaadiyo dilkiyo uuda dami wayday
Umulaha la dooxiyo raqdaa haadu ku ooshiisay
Riyaha la eeday idaha la qalay geela la afduubay
Sangaa curad daraadii udub ka dhuubnaatay
Umadaa xumaataan lahaa ha u arimiyeene
Ula jeedadoodaan arkay oo aayatiin ma lehe
Awr heeryadii cunayba waa lagu ogaadaaye
Imikay af kor u taagayaan edeb la’aaneede
Imikay alow leeyihiin gaal isku eekayne
Isma eegto naag xumi halkay iin ku leedahaye
Malaase way ismoogyihiin inay obocda hoosane.

 

ALLOW YAA DARWIISHKII (GABAY)
Axmed ismaciil diiriye (qaasim) alle ha u naxariistee wuxu gabaygan tiriyey markii la helay calan somaaliyeed kii ugu horeeyey ee laga taago magaalada hargaysa ee caasimada Somaliland.
Farxadii iyo damaashaadkii habeenkii calanka la helay waxa layskugu soo baxay beerta xoriyada ee magaalada hargaysa halkaas oo kulmisay haldoorkii, hormuudkii, iyo horseedkii reer Somaliland si ay uga qayb qaataan dabaaldega iyo daansho daanshaha farxada soo dhaweynta calanka somaliyeed iyo xornimada umada somaliyeed.
Abwaanadu waxay ahaayeen kuwii iyagu majaraha u hayey marwalba halgankii gobonimo doonka ahaa ee umada somaliyeed ku doonaysay xornimada iyo qaranimada madaxa banaan, waxay ahaayeen kuwii dadka kiciyey ee indheer garadka ahaa, kuwii hagayey, hoga tusaalaynayey umada markastana u ahaa gaashaan bir ah iyo meel ay ka galaan gabadanada iyo diraacaha kulkul.

Hadaba abwaan qaasim wuxu kamid ahaa calankana u siday abwaanadaa soo dhaweeyey calanka somaliyeed ee laga helay geyiga geeska Africa ee ay ku noolaynd 5tii somaliyeed ee gumaysigu kala qoqobay, una kala sameeyey diilinta iyo xariiqda beenta ee maanta kala soocday somaali gebi ahaanteedba.
Abwaanku wuxu gabaygiisa ku sheegay in sayid maxamed cabdale xasan oo ahaa aas- aasihii dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka ahaa ee somaliyeed ee daraawiish in ay fiicantahay in la ogaysiiyo oo warka iyo calanka iyo xornimada la helay looga waramo farxad daraadeed, inta qabriga iyo daluunta dib looga soo saaro in af iyo laba daan loogu sheego farxada .

Yaa intu qabrigiisa dultago farxad iyo dabaaldeg kala dul eedaama si uu u ogaado guusha wadadii uu isagu horseedka 21sano ka ahaa, iyo midhii uu isagu gacantiisa ku beeray oo gaadhay waqtigii la guran lahaa.
Wuxu abwaanku gabaygiisa farxadu weheliso marwalba ka qayb ah sayid maxamed cabdalle xasan maxaa yeelay waxa abwaanka u muuqatay in farxada uu sayidku qayb weyn ku leeyahay una soo halgamay sidii umada somaliyeed u heli lahayd dawlad xor ah oo diinta islaamka ku dhaqanta.
Abwaanku wuxu jeclaystay in duleedada taleex oo ah xaruntii dhaqdhaqaaqii daraawisheed salka u ahayd sayid maxamed looga dabaal dego oo damaashaad halkaa lagu dhigo, oo weliba faracii ka dhashay farduhuu dhaqi jirey ee dhoodimeer inta loo heenseeyo loogu damaashaado dooxada dooga badan ee nugaal.
Wuxu sidoo kale abwaanku gabayga dhexdiisa jeclaystay in af iyo labadiisa daan si daacad ah loogu sheego in diintii nooshay oo dariiqadiisii rag kale sii qaateen siina horumariyeen intaas oo farxad ah isagoo sheegay ayuu yidhi:
Allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaadhsiiya
Allow yaa dabaal deg iyo farax kala dul eedaama
Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday
Dhaaxuu u daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
Ha daawado dadkii u hiiliyey iyo dooga soo baxaye
Allow yaa daluuntiyo qabriga dib uga soo saara
Allow yaa dirkii dhoodimeer dooxa faraciisa
Allow yaa darmaan fara taqaan duqa u heenseeya
Allow yaa duleedada taleex uga damaashaada
In dariiqadii nooshahoo diihino soo gaadhay
Oo uu dabkuu shiday rag kale dogobyo sii saaray
Allow yaa af laba daaniyo daacad ugu sheega.

 

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker