Nin 74 jir ah oo isaga oo nool laga helay guri gubtay 5 maalmood ka hor

Nin 74 jir ah ayaa isaga nool oo xaaladdiisu wanaagsan tahay la helay shan maalmood ka dib markuu gubtay dhismihii lagu xannaanaynayay oo Washington DC ku yaalla.

 

Shaqaalaha ayaa ninkan ka helay guriga Subaxnimadii Isniinta, halkaas oo la rumaysan yahay in uu ku xayirnaa tan iyo Arbacadii.

 

In kabadan 100 ruux oo da’ ah ayaa la soo daad gureeyay, waxaana loo qaatay in la soo badbaadiyay qof kaste oo dhismahaas ku noolaa, sida ay sheegtay Muriel Bowser oo ah duqa magaalada.

Waxay sheegtay in ninka loo sii qaaday isbitaalka isaga oo laga soo dawaynayo dhaawacyo aan naftiisa halis galinaynin.

 

Allyn Kilsheimer oo ah injineer ayaa saxafiyiinta u sheegay in duqa la soo badbaadiyay uu ahaa “nin kaftan badan” wuxuu sheegay in markii ay codkiisa maqleen ay ku dhaheen “waan kuu soo soconaa” isaguna uu ugu jawaabay meelna uma socdo.”

Ka dibna waxay xoog ku fureen albaabkii guriga, waxayna u tageen isaga oo ku fadhiya kursigiisa.

Duqa magaalada waxay sheegtay “in shaqaaluhu ay kursi ku fariisiyeen ka dibna iyaga oo wada sidaa kaga soo saareen dhismaha”

Saraakiisha dabka ayaa toddobaadkii hore sheegay in dab uu qabsaday dhismaha Arthur Capper Senior Housing Center.

Toban ruux ayaa ku dhaawacmay waxaana la arki karay qiiq samada isku shareeray.

Dadkii dhismaha degenaa waxay sheegeen in aysan maqlin dhawaaqa digniin taha ee yeera marka dab kaco, taas badalkeedase waxaa war galiyay ciidammada badda ee dalka Maraykanka iyo dad daris la ahaa oo albaabada ku garaacay.

 

https://twitter.com/dcfireems?ref_src=twsrc%5Etfw%7Ctwcamp%5Etweetembed%7Ctwterm%5E1042507432063324162&ref_url=https%3A%2F%2Fwww.bbc.com%2Fsomali%2Flive%2Fwar-45623027

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker