TABAALAHA WAQTIGA GABAYGII WAARAY

Maansooyinkii uu u tiriyey xaaji aadan axmed afqalooc waxa ugu caansan isagana aad u soo caan bixiyey gabaygii TABAALAHA WAKHTIGA la baxay ee qofkii goobjoog ahaa xusuusto, kii aan ahayna waxbadan ka bari kara musuqmaasuqii iyo daacad daradii dadweynuhu ka sheegan jiray ee madaxdii waayadaas ee xukuumadii kala dambeeyey ee soomaliya.

Ararta gabayga ayuu xaajigu ku xusayaa ceebo dhowr ah kaas oo jiritaanka dawladnimada u daran hayeeshee maamulkii dalku iyagoo arkaaya ay iska indho tiri jireen ceebahaas oo aad u farobadnaa waxaa kamid ahaa:
Iska boobka hantida guud ee dadweynaha
Baal marka shuruucda dalka u taal
Kala dambayn la’aan hay’daha xukuumada lagu habaaray
Aqoonta iyo qofkeeda oo aan la qadarin
Aqoon darada oo la koolkooliyo
Xafiisyada dawlada oo rag aan mutaysan loo shuumo lana gudoonsiiyo.
Tuug la yaqaan oo furayaasha hantida umada loo dhiibo.
Xaajigu isagoo waxyaabaha ka hadlaya wuxu yidhi:
Dhibta timid jamhuuriyada oo tahan la boobaayo
Iskaa wax utabciyo khaayinimo laysku taageerye
Qawaaniin u taaliyo nidaam taxan ma yeelaane
Sida reer tafare amar ma jiro laysku taabaco’e
Warqad jananku teeb uu ku qoray kaalun ku tuurye
Waashmaan kolay tahay ninkii taabay meel dheregye
Taash madaxa awr loo geshaa waa tusmo habaabe
Tuug daalina iyo caasibaa tamar u yeesheene
Timid baad u dhiibteen midaan tuna ka sheegayne
Tooray afbadan baad u xidheen taarig xoogsade.

Wuxu alle ha u naxariistee xaajigu inoo sawirayaa muuqaal ku saabsan xidhiidhkii quudhsigu astaanta u ahaa ee ka dhexeeyey madaxdii dawlada iyo dadweynaha markaas ayuu xaajigu inoo tusinayaa taliye kibirsan oo fadhiya xafiisyadii gumaysigu ka tegay midkood iyo qof soomali ah oo xafiiskaa ay dani kasoo gashay, xaajigu sidoo kale wuxu inoo sawirayaa nin mushaharkiisu 200 shilling yahay oo hadana hantiya dhul iyo guryo badan isagoo aan hanti miyina aan lagu ogayn, waa yaabe markale ayuu hadana xaajigu inoogu sawirayaa dhibaatadii wasarada cafimadka lagu qabay kolka qof xanuunsan oo dhakhtar u baahan looga qaylo keeno iyaga oo aan u gurman jirine ku been hawaasi jiray shidaal la’aan darteed inaanay bukaankaa soo qaadi Karin, Muuqaaladaas sadexda ah ayuu marka kale xaaajigu gabaygiisa ku googooyey si farshaxanimo ku dheehan tahay waxaanu yidhi:
Talaabada mid gaalkii shabaha tegay ma liibaane
Adigoo wuxuun tabanaya oo tegay halkuu joogo
Markuu sida libaax raqi u taal qoorta kor u taago
Markuu tayga luquntiisa sudhan taabto faraqiisa
Oo inaad adoonkiisa tahay taana la ahaatay
Oo aan dhaqaalena tixgelin waajibkana tuuray
Iyaduna waa tabaaalaha waqtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego
Laba boqol nin maahiyadiis tahoo tirade loo dhiibo
Oo toban baloodh jeexda oo tumanayoo kayfa
Oo biilka gabi tuurayoo sida layloonka
Aan tacabo baadiye lahayn tuludi waa maale
Iyaduna waa tabaaalaha waqtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego
Danta togan batroolkeena waa la tashiilaaye
Todoba mayl nin joogoo bukaan talalayoo liita
Oo inuu xakiimka u tago iyo taakulo u baahan
Inkastuu tawaawaco ninkii hadalka soo tuuray
Tamashle iyo xaafadaa lagu tagaayaaye
Iyaduna waa tabaaalaha waqtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego

Waxa uu xaaji aadan axmed afqalooc alle ha unaxariistee tuducyadan soo socda kaga hadlay afar dhibaato oo haystay ha’adihii dawlada kaas oo dadku ka sheegan jiray waxaana kamid ahaa:
Maxkamadihii dalka ee laaluushka lagu maamuli jiray, Macalinkii anshaxa xumaa ee degmooyinka midood inta loo bedelo habdhaqankiisa siloon ay ardayda yaryari ka baran jirtay, Ninkii aqoonta caro edge u doontay ee dalka yimi isagoo ku raran kutub cilmi ah isagoo weliba raba inu dadka iyo dalka wax ugu qabto asii jaahil awood leh ka hortaagan yahan, Sarkaalkii maamulka dekeda lagu aaminay ee ganacsadihii badeecadaha kasoo dejiyey intuu hoosta kala heshiiyey badeecadiiba debada ugu wada saaray isagoon wax cashuur ah dawlada loo shubin wuxu yidhi xaajigu:
Dembi laguma soo taago nimay tiisu kaafido
Tamartiisu kay gaabatoo tukhuntukhoonaaya
Goortaad maxkamadaha tagto yaad tacajabaysaaye
Tamilkeeda xaajada ninkkii taami kari waaya
Inkastuu xaq taamilo wato iyo marag cad oo taagan
Ama uu xujada toosiyo oo looyarku is tiilo
Gartu tooda kuuguma jabin ee taantu waa lacage
Iyaduna waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo kasii daran baa jirtee taana bal aan sheego
Jaamacad nin tegay oo degree tu layimid haysta
Oo inuu dalkii wax u taro iyo tacabo doonaaya
Oo taana loo baahanyahay toogtan sida joogta
Oo jaahil tiir adag dhidbaday taqadum kuu diiday
Oo reerkii tegi waayey oo camal la’aan taagan
Iyaduna waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo kasii daran baa jirtee taana bal aan sheego
Ninkii tahan aduun soo rogay iyo kii ka talinaayey
Oo tobonkun oo shay habeen tuhun la’aan qaaday
Oo inay tebiyaan cashuur buugii lagu taaban
Iyaduna waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo kasii daran baa jirtee taana bal aan sheego

Alle ha u naxariistee xaajigu wuxu ka jawaabayaa suaasha ah maxaa waxaa oo tabaale ah wax looga qaban waayey? Jawaabta su’aasha ayuu yidhi ninkii isagu khiyaamadan ku kacay hadii uu is yidhaahdo dadka toosi wuxu ka baqay inu dadku falkiisa siloon ay wax ka sheegaan dabadeed wuxu door biday inu aamuso waxaanu xaajigu yidhi:
Hadaad adigu tuur leedahay iyo toojir iyo qaalo
Midkaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicine
Waxa khaayinada looga tegay tacabadii boobay
Ninba ta ku taal buu ka baqay inay ka taabtaane
Hadaanse tiriyo waxaan nahay waan tawahayaaye
Taariikhda weli soo ma marin teenan oo kale’e
Tiihii israaiil helay bay tani salawdaaye
Anoon boogta wada taaban oo idin tusaaleyey
Oo aan tanbiih iyo islaax taana uga jeedo
Waa taar aan boosta ugu riday ee toobo haw tego.

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)
Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker