Maanso : Sandulaan cidina geyin
24 / 12 / 12
waxa ka danbeeyay 10 sano way kasii dartay
alaa dad kaygu gobsanaa weli way samrayaan
Maanso la yidhaa
Sandulaan cidina geyin
Aan bilaabo
.
Shacab kii samraan idhi
Seerma weydo curatiyo
Rajo sagalku da,a yiyo
Moora wacan ku sabayaa
.
Waran yaan la soofayn
Seeftana galkaw daa
Saddex dii shahaadiyo
Seetada udheeree
Digniin tana ku saacida
.
Ka kalee wax sira yana
Geesi haa sabooloo saac yaro
Agtiisa ah siniin raacay uu yahay
Kaana saamaxann idhi
.
Sirqadii ah doqonee
Sebi iyo ninweyn yahay
Isagana lakala sixin
Sida deleb caruureed
Kule saaruf baan idhi
Khalad kaygu waa saxe
Ayay siiban nabadani
Odayaal ka sugayana
.
Sidan buu ku toosiye
Kaana waa legdin usaar
Suunkuna dhex duu yaal
Danba saaxi wuu iman
.
.Sifihii kacaan kii yay
usiiban sheekadu
sumaddeenna caan ka ah
sicir keed la goyn Karin
ku salaysan geerida
halgan kii siraad naa
nin dammiir ku saaroo sulub kii
ka nabad galay
seegi mayso taladuye
.sawir keenan manta ah
Saracii xumaadee suntan iyo
Dab lagu shiday
Siidh xumaanta loo qubay
Seledaha ku gurashada
Dib u saydhinaa yaw
Daacad nimo umaad socon
.
Sandulaan cidina geyin
Sinniq siga udaayoo
Siddidiyo ciyaar taa
Iyo sees ka aan jirin
Kan le jiingad sooraw
Dhalan teed nin sahan saday
Surmi buu ka qaadaa
.
Weli waa sulaaxiyo sarbeeb taa
Wax ugu sheeg
Sidan carabi yee shiyo
Yaan la sahamin wiiwaa
Siliguna dhul kuu yaal
Saruu qaadis ka ogow
.seen yaala haygana
Qofna yuu ku selaline
Waxaan uga socdaa waa
Hawlaheenu sigashiyo
Surin madaw ayay gelin
Suudh ka booli yay tolan
Sacab beena yay tuman
Salaan tuna halkay tahay
Dalladdeed ha loo sudho
Dadka yaanan sii deyn
Maxamuud cismaan ( moholin )




