Khilaaf Ka-taagan Natiijadii Doorashadii Dalka Ciraaq

Raysalwasaaraha dalka Ciraaq Hayder Al Cabadi ayaa sheegay in dalka aanay ka bixi karin xubnaha Guddiga Doorashada dalkaasi oo loo heysto inay ku lug lahaayeen musuq maasuq codbixintii 12kii May.

Doorashadii Ciraaq ee dhacday 12kii May ayaa la sheegay inuu ku guuleystay Isbaheysiga uu hogaamiyo wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al Sadr oo isagu ololihiisa doorashada ku galay inuu kasoo horjeedo faro-gelinta shisheeye ee Maraykanka iyo waliba Iran.

Guusha Muqtada ayaa kadis ku noqotay xisbiyada dalkaasi oo uu ku jiro xisbi xaakimka Hayder Al Cabadi oo galay kaalinta sadexaad.

Waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay soo baxayey eedeynmo ah in lagu shubtay codbixinta isla markaana khaladaad badan laga helay qaar kamid ah sanaadiikhda codbixinta.

Dooda natiijada la isku heysto ayaa waxaa kamid ah in khaladaad badan laga helay mashiinada codbixinta oo ay codkooda ku dhiibanayeen dadka Qurbo-joogta reer Ciraaq, khaladkaasi oo lagu eedeeyey Guddiga Doorashada oo hada laga yaabo in xabsiga la dhigo.

Waxaa dhici karta in dhawaan dacwado lagu soo oogo xubnaha sar-sare ee guddiga Doorashada, ayuu yiri Raysalwasaare Al Cabadi oo sheegay in xubnahaasi aysan dalka ka bixi karin.

Waxay xukuumada weli xilka ka degin ay soo jeedisay in la laalo dhamaan cododka Qurbo-joogta iyo waliba cododka dadka Barakacayaasha oo ay sheegtay in khaladaad badan laga helay. Guddiga doorashada ayaa iyagu horey u sheegay in la laalay 1,021 sanduukh oo khaladaad laga helay, guud ahaan sanaadiikhda codbixinta ayaa gaaraya 53,000 sanduukh.

Dhinaca kale waxaan lagu guuleysan in la dhiso xukuumad cusub iyadoo ay adag tahay in isbaheysiga guuleystay ee Muqtada Al Sadar uu soo dhiso xukuumada isagoo aan taageero ka helin xisbiyada kale. Muqtada Al Sadar ayaa hada heysta 54 kursi ee Baarlamaanka dalkaasi oo ka kooban 328.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker