Dagaalka Itoobiya oo sii xoogeystay

Dagaallada ayaa sii xoogaysanaya oo ku fidaya gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya kuwaas oo u dhaxeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo militariga.

Dadka ku nool labada magaalo ee ugu waaweyn gobolka, caasimadda Bahirdar iyo Gonder oo ah magaalooyin taariikhi ah ayaa soo sheegaya iska horimaadyo xooggan.

Dhaqdhaqaaqayaasha iyo warbaahinta xiriirka la leh maleeshiyaadka ayaa sheegaya in ay la wareegeen qeybo ka mid ah xarunta gobolka balse waxa ay sheegayaan in ciidamo badan ay ku sugan yihiin agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada iyo xarunta TV-ga dowladda.

Duulimaadyadii saddex magaalo oo gobolka ah, oo ay ku jirto Lalibela, ayaa wali hakad ku jira. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale sheeganaya inay maamulayaan magaalooyin dheeri ah oo ay ku jiraan qaybo badan oo ka mid ah Debrebirhan, oo ah xarun warshadeed oo 130-km waqooyi ka xigta caasimada dalka ee Addis Ababa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker