Xanuun la yidhaa soo dhowee
Xanuun la yidhaa soo dhowee
Bilaabe iyo baadhe
bilaabe.waaryaa baadhe. saaxiib xanuunkan la yidhaa
Soo dhoweynta bal iiga sheekee dalalka uu hayo iyo
Sababaha keena iyo dawadiisa .
baadhe. Saaxiib xanuunkaasi waa jiraa waxaanu ku
Badan yay dalalka la yidhaa dunida sadexaad iyaga
Qudhooda wuu ku sii kala badan yay waxaanu ugusii
Kala badan yay hadba siday ukala aqoon yaryiin
Waxaana ugu sii badan afrikaanka iyagana waxa ugu
Sii badan soomaalida waayo waa dadka adduunka ugu
Waxbarashada hoo seeya.
Markaa xanuunka waxbarasho la,aantaa keenta iyo
Kalsooni darada .
Dunida hore umartay lagama yaqaano qof laga hortyegayo
Inta sawirkiisa la qaato ama calamo laqaato
Mar qudhay ka dhacdaa waa marka ay doorashoo-yinku ka
Ka socdaan markaana lama soo dhoweeyo ee waxa lagu
Sugaa Halka laga qudbadaynayo.
Innakana agaasimaa la doorana yaa waa lasoo
Dhoweynayaa mar beeshiisii ayaa gaar usoo
Dhoweynaya way ogyiin inaanu wax gaara siinayn
Laakiin waa jaahilnimo haysa iyo kalsooni daro labada
Dhinacba ka muuqata.
Immika dalkan ingiriiska ee caalamka laga maamulo
Madaxdiisa lama yaqaan goor ay tageen ama yimaadeen
Innakana wasiir yarbaa imanaya magaalaba waa madaarka
Madax/weynana hadalkiisab daa way sii seexanayaan.
Dawadiisu waxa weeye inay dadku isku kalsoonaadaan
Oo danahooda aanay kaga habsaamin waxaan dani
Ugu jirin jaahilnimadana ay ka baxaan oo sida umaduu
U noolyiin ee hore ugu mareen kaga daydaan.
Maxamuud cismaan (moholin )




