“Taraawixdu kama Duwana Salaadaha Sannadka La Soo Waday, Ummadda Yaan La Jaahwareerin” Barkhad Batuun.

“Bisha Ramadaan waa Bil barako iyo badhaadhe leh, waa bishi qur’aanka waana bishi salaadda, sakada iyo soonka. Goobaha lagu xasillaayo ee cibaado iyo cilmi lagu camiraa waa Masaajidada Illaahay.

Karoonaha xidhi waayay suuqyada, marfashayada iyo goobaha laysugu yimaaddo ee Taraawixda bisha soon joojiyay waa cajiib, ummaddu ha taxadirto hana cibaadaystaan oo ha oogaan Tarwaawixda iyo tahajudka.
Taxadirka waxa loo baahanyahay sannadkoo idil maaha in Wasaradda diintu baraarugto Bisha Soon ee waa in qorshe jiraa, waxaanu soo jeedinaynaa in masaajidda la buufiyo, shacabkana loo qaybiyo maalyiinta afsaab ee laynoogu deeqay ee guryaha ku xeraysan.

Qof kasta xilbaa ka saaran caafimaadkiisa halla raaco tallaabooyinka taxadirka, Jamac kasta ha kala durko, culimadu’na ha baraarujiyaan dadkooda iyo jamacay tukinayaa. Xanuunkani maaha mid cusub waxa lagu tukanayaa masjidkii xaramka innaguna waa in aynu bishan soon ku camirnaa cibaado iyo is cafis.”. Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Batuun.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker