Summada Geela iyo Niddaamka Dawladnimada Soomalida

Marka aynu dib u milicsano, taariikda ummada Soomalida ee ku dhaqan Geeska Afrika, waa hubaal in ay soomareen duruufo kala duwan iyo wakhtiyo wayahooda watay mar hore iyo immikaba, hab-dhaqanka iyo sooyaalka taariikheed ee Soomalidu waxa uu ahaa xoolo dhaqato ama beero falasho, kahor intii anay dowladnimo helin, inta badan qaybta beeraha fashaa waxa ay lahayeen xuduudo kala xadeeya beerahooda, halka qaybta xoolaha dhaqatana ay la haayeen sumado ama calaamado kala soocaya lahaanshiyaha xoolahooda, inkastoo hadana ay isku deegaan ahaayeen way adkayd in ay bah-wadaag noqdaan, haddii ayna wadagin wada dhalasho magac ama qabiil.

Isla niddaamkaa ayaa waxa lala soo galay magaaloyinkii, markii ay dawladnimadu dhalatay, wana hab-dhaqan gabi ahaanba ka dheer in wadaag yimaado, waayo bulshada inta aad isku ood xigtanba haddii aanay jirin in aad horey iskugu tiirsanaydeen, waa hubaal in ay adkaanayso isfahamka marka ay bulshadu ka balaadhato intii aad taqanay, wana arinta keentay in aynu dawladnimada u fahano in ay tahay intii markii horeba abtirsiintu inaga dhaxaysay ee aynu isaga midka ahayn summada geela, wana fahamdarada ina haysata ilaa maanta ee aynaan garawshiyo u hayn.

Hadaba niddaamka dawladnimo, waa mid gabi ahaan ba ka duwan hab-nololeedkii ku koob naa inta aynu isku abtirsiinta ahayn, wana ka mug iyo macno balaadhanyahay, waana hab ku dhisan heshiis bulsho iyo niddamka ay ku heshiyaan, oo u baahan in loo fuliyo sidii loogu hashiiyey, wana hanaan wax isku darsi oo u baahan in lafahmo in cida hogaanka u haysana tahay adeege bulsho oo an ahayn in uu ka adeegto.

Markaa ilaa iyo inta aynu kala garanayno summada geela reeraha iyo niddaamka dawladnimo, waa arin adag in lagaadho horumar wax ku oola oo ay ku lamaanyihiin xasilooni iyo daganaashiyo bulsho, oo ummada  u horseeda barwaaqo la mahadiyo.

 

 

Qore: Caynaan Farax Caynaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker