Tahriibta Ladane-Yaasha

Dhalinta reer Somaliland, marka ay nolasha ka wabiyaan amma mustaqbalkooda, waxay miciinsadaan Tahriibta dhinaca badda, si ay nolol iyo mustaqbal uga raadsadaan dalalka Yurub. Dhalintaasi inta badan waxay ka soojeedaan qoysas danyar ah amma dabaqadda dhexe ah . Dadka ladan ee reer Somaliland ayaa bilaabay TAHRIIB FARSAMAYSAN AMMA CASRIYA, waana u guurista dalka Turkiga, si ay u raadsadaan nolol, caafimaad iyo waxbarasho jaban oo tayo leh. Una helaan meel mutaqbal fiican iyo daganaansho siyaasadeed oo la isku halayn karo u leh ubadkooda. Dadkaas waxa ka mid ah xubno xisbiyada xil sare ka haya, kuwo dawladda xil muhiim ah ka haya, kuwo xillibaano ah, ganacsato iyo dad kale oo tujaar ah. Nidaamka loogu guurayo Turkiga aad looma lafa gurin, lama eegin mustaqbalka isbadalo iman kara , lama lafagurin sooyaalka taariikheed ee cunsurinimada bulshada Turkiga .
Bal aynu dib u milicsano dadyawgii qaaday dhabbahan tariikho hore iyo halkay maanta ku danbeeyeen. Islaamnimadu kama reebto bulshooyin badan cunsurinimada.

Qawmiyada Rohinga oo asalkoodu Balgaledesh iyo Hindiya ahaa ayaa Qarniyadii 19aad iyo 20aad soo galay dalka Burma (Myanmar) iyadoo badankoodu Isticmaarkii Ingriiska la socdeen . Markay Burma qaadatay xornimadii 1948kii waxa loo diiwaan galiyay dadka Rohinga muwaadiniin. Balse, isla 1966kii dadkii reer Burma waxay u arkeen soo galooti , waxayna ku bilaabeen cunsuriyad iyo colaad ilaa ay ku bilaabeen kacdoonkii ugu horeeyay 1978kii. 1982kii ayaana loo diiday wax dhalasho ah in la siiyo dadka Rohingaha ah. Ogow colaada ka dhanka ah Rohinga way ka simanyihiin gaalka iyo islaamka dadka reer Burma (Myanmar). Waxa loo xasuuqayay reer Rohinga may ahayn Islaam nacayb, balse waxay ahayd ISIR NACAYB . Waanay caddaysteen taa reer Burma(Myanmar) . Waayo maamulka iyo kacdoonka uu ciidanku hogaaminayaaba waxay ku doodayaan , maxay naga ag gurayaan reer Rohinga , mayaanay marti ahayn kayimi India iyo Bangaledesh , ha na dhaafaan. Bulshooyinka cunsuriyada lehi kuma siinayaan ogaysiis ee maalin ayuunbay hilfaha kuu qaadayaan.

Dhinaca kale Afti laga qaaday 30,000 oo qaxoonti ku ah dalka Turkiga oo Suuriyaan ah ayaa waxay dalbadeen in lagu celiyo Suuriya , Isla mar ahaantaana ay colaada suuriya taalaa u dhaanto ku sii baaqi ahaanshaha jidhdiidka dadka Turkiga ah.

Sidan oo kale ayaa ka dhacday dalka Bosnia 1992-1995.
Sidan oo kale ayaa ka dhacday Dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe 2011 ilaa 2018
Sidan oo kale ayaa ka dhacday Dalka South Africa .

Qalinkii: Saleebaan Cumar Macalin Gahayr (Maxamed)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker