Sheeko La yidhaado Kaana maana waday.

Waxaan  salamayaa dhamaan dadka ku xidhan baraha warbaahineed meelkata oo aad joogtaan gaar ahaana Bulshadda . waxaaan  halkan ku soo gudbinayaa Sheeko la yidhaado  ” Kaana  Maana waday.
Nin ka mida Darawalad  ukal socdali jirtay  Burco ilaa berbera waa xiligi gaadiidku ahaa SISAW.ninkaasi magaciisa waxaa la odhan jiray Cuukeeye  ayaa maalin gaadhigi wuxuu kula dhacay dawga sheekh ilaahay waxba kuma yeelin. Dadkii ayaa aad iyo aad u canaantey oo yidhi o maaxaad sidaas  iyo sidaas u odhanweyday gaadhigu muu dhaceene.
Maalin dambe ayuu wadadii soo maray   mise gaadhi  kale ayaa jiifa isla meeshii uu maalintii ku dhacay  gaadhigii uu waday ,maraasu yidhi  Cuukeeya  kaana maana waday.
Waxaan ula socdaa Xisbiyada Mucaaradka wixii ay ku sheegi jireen Maamulkan kulmiye ee uu  Muuse hogaaminaayo , ee aheyd  Kaligii talisinada  ,maamulxumad , xadhig iwm waa kaas shacabki Somalind arkey kii shalay codka siiyey iyo kii aan siininba maxaa dadka wada tusay . Dalkan xoreyntiisii naf iyo maalbaa loo huray hadiyad laguma helin xoriyaddan  lagaman yeelaayo  shaqsiyaal burburiya ama u soo dhaawacan  ama wixii doona ha ku soo gaadhan  ka joog ayaa odhnayaa sidan  maya  maya   .Waxaa  u soo jeedinayaa shacabka Somaliland inaynu ilaashano dalkeena Walaalayaal dalkeena marti kuma nihin xukuumadu haddii ay sharciga iyo dastuurka ilaalin weydo  waa la qabanayaa  Shacabka ayaa leh  awooda koowaad. Xisbiyada mucaaradka waa inay qaataan  doorkooda mucaaradnimo taas oo aan  aheyn mid wax duminaysa.
Ahmedbudul@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker