Faallo: Muranka ka Dhashay Xubnaha Cusub ee KDQ, Heshiiskii Xisbiyada Qaranka iyo Xeerka Doorashooyinka (Xeer Lr. 20/2001)
Murankan magacaabida Xubnaha Guddiga (Koomishanka) Doorashooyinka Qaranka (KDQ) waxa bar-bilow u ahaa muranka xukumadda iyo mucaaradka ee la xidhiidhay kala dirida Guddiga (Koomishanka) Doorashooyinka Qaranka (KDQ), kaas oo ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoomtay 13kii Noofembar 2017-ka. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa 22kii Maarso 2018 ku dhawaaqay “In ay Madaxweynaha u gudbiyeen qoraal ay ku soo ururriyeen dhaliilaha doorashadii madaxtooyada iyo gefafkii laga galay xeerarka diiwaangelinta iyo doorashooyinka.” Guddoomiye Cirro wuxuu ugu dambayn caddeeyey in Xisbiga WADDANI “Qoraalkaas uu Madaxweynaha u gudbiyey ku muujiyey in aanu wax kalsooni ah oo uu doorashooyinka dambe ku qabto ku qabin Guddiga Doorashooyinka, waxaanu codsaday in guddiga la kala diro oo mid cusub si dhakhso ah loo dhiso.”
Qoraalka uu Xisbiga WADDANI u gudbiyey Madaxweyne Muuse wuxuu u cuskaday Qod. 14(2) Xeer Lr. 20/2001 oo dhigaya “Marka arrimaha kor ku xusan (asbaabaha xilka lagaga qaadi karo xubnaha KDQ), waxa Madaxweynahu uu magacaabayaa guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go,aan uga qaato”. Sidaas darteed, waxay Madaxweynaha ka codsadeen in uu guddidaas magacaabo kadibna uu guto waajibaadka ay saarayso faqradda 3aad ee qodobkan oo dhigaysa “Xil ka qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority).
Sidoo kale asbaabta uu Xisbiga WADDANI u cuskaday dalabka baadhista iyo xil ka qaadista KDQ waxay ahayd mid inta badan lagu faahfaahiyey cabashooyin ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee 2017-ka, balse aan mudnaanta la siin shuruuddaha qodobka ku cad oo loo baahnaa in dalabka noocan ah awoodda lagu saaro sida ay xubin kastaa ugu sifoowday shuruuddaha ku cad Qod. 14(1) Xeer Lr. 20/2001. Taasi waxay Madaxweynaha fursad u siisay in uu dulucda muranka ku koobo cabashooyinka doorashooyinka sida uu ku doodday mar uu ka jawaabayey su’aallo ay saxaafadu weydiisay “Haddii WADDANI cabasho ka qabo Natiijadii Doorashada waxay ahayd in uu Maxkamadda Sarre u dacwoodo, anniga sharcigu awood iima siin in aan amro in baadhis lagu sameeyo sidii ay doorashadu u dhacday ama kala dirista KDQ.”
Xukumaddu waxay intii uu murankaasi socday 7-dii Julaay 2018-ka u gudbisay Golaha Wakiillada kadib markii uu Golaha Wasiiradu ansaxiyey Xeer layskugu geeyey Xeerarkii Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta oo ah xeer isku dhaf ah oo noqon doona Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta, Xeerkan oo saddexdii ajende ee ugu dambeeyey ee Golaha Wakiilada (inta aan ogahay) ku jiray balse ilaa hadda (Muddo sannad iyo badh ku dhoow) dooddiisa weli lama gudo gelin. Xagga dambe ayeynu ka hadli doonaa oo uu muranka ka soo gelayaa.
Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran
Ugu dambeyn, saddexda Xisbi Qaran ee JSL waxay 27-kii Julaay 2019 ku heshiiyeen shir balaadhan oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada, oo ay goob-joog ka ahaayeen wufuud ka socotay Midowga Yurub iyo Ingiriiska. Waxay ku heshiiyeen heshiis ka kooban 8 qodob, oo ah kuwan aan hoos ku faahfaahiyey:
2) Mooshinka waxa gudbinaya ugu yaraan 11 Xildhibaan iyo in ka badan oo ka tirsan Golaha Wakiillada JSL, kana soo kala jeeda Saddexda Xisbi Qaran.
3) Xisbiyada Qaranku waxay u soo jeedinayaan Golaha Wakiillada in ay go’aan ka gaadhaan wax-ka-beddelka qodobka koowaad ee heshiiska Saddexda Xisbi Qaran, inta ka horaysa 1 September 2019.
Weli maan fahmin sababta iyadoo wax ka badelkii lixaad ee ugu dambeeyey ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada uu dhaqangal yahay kuna soo baxay Faafinta Rasmiga, Cadadkii 1aad, Lifaaq gaar ah 1aad oo soo baxay 01/04/2017, heshiiska loogu saleeyey wax ka badelkii afraad ee soo baxay 15/09/2012 – ma khalad madbaci ahbaa mise waa ku talogal? Nuxur ahaan marka qodobka sharci ee lagu xusay qodobka 1aad ee heshiiska la eego waxba kuma kala duwana labada wax ka badel ee xeerka lagu sameeyey, tirada Qodobka oo noqonaysa Qod. 12aad, farqada 1aad – a) iyo Faqrada 2aad b) mooyaane.
5) Magacaabista xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranka sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), ee wax-ka-beddel lagu sameeyey 15/9/2012 – Qodobka 11aad, Farqada 1aad iyo 2aad), haddii Golaha Wakiilladu ansixiyo wax-ka-beddelka Xeerka, xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 9 xubnood, haddii Golaha Wakiilladu ansixin waayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 7-dii xubnood, sida waafaqsan Xeerka Doorashada, ugu danbayn 1 September 2019.
3. Dooddii ajandaha kalfadhiga 40aad Golaha Wakiillada oo qabsoontay 24kii Juun 2019, waxa dood ka dhiibtay 4 xildhibaan oo kala ah 1. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil, 2. Xildhibaan Xaamud Maxamuud Cigaal, 3. Xildhibaan Baar Siciid Faarax iyo 4. Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi. Qodobka 2aad ee Ajandaha kaldhiga ayuu ku jiray Xeerka Doorashooyinku sida ay mudanayaashu ku sheegeen dooddooda, Xildhibaan Baar mooyee, saddexda Xildhibaan ee kale ba waxay codsadeen in Qodobka 1aad ee ajandaha laga dhigo. Subaxii xigay ee 25ka Juun 2019 wuxuu Guddoomiyahu bilawgii ansaxinta ajandaha mudanayaasha ku wargeliyey “Xeerar badan ayaa Golaha dhex yaala, sida aynu u kala hor ansaxinaynaa maaha siday (ajandaha) u kala horeeyaan ee waa siday u kala diyaarsanaadaan – kolba kii gacanta noo soo gala ayaa loo codeynayaa. Sidaas ha la ogaado.” Kadibna waxaa la guda galay in si guud loogu codeeyo ajandaha oo sidaas baa lagu ansaxiyey, waxa isweydiin leh goormaa Xeerka Doorashooyinka qodobka 7aad ee ajandaha loo raray? Haddii qodobkii 2aad ee uu ajandaha kaga jiray aan mudnaanta la siin. Soo jeedintii mudanayaashii ajandaha ka doodday ee ahayd qodobka 1aad ha laga dhigo aan iyadna waxba layskaga tirin. Go’aankii uu Golahu ajandaha ku ansaxiyeyna uu noqday kolba xeerkii innagu soo horeeya uun aynu hawshiisa galno. Maxaa keenay in markii loo soo gudbiyey mooshin xeerka Doorashooyinka khuseeya la yidhaa qodobka 7aad ee ajandaha kal-fadhigan ayuu ku jiraa ee ha la gaadho? Maxay se xildhibaannadu uga hadli waayeen arrimahan xasaasiga ah ee la xidhiidha waajib gudashadooda? Xaqiiqdu waxay tahay in ay heshiis ku yihiin in ay ka dagaalamaan wixii doorashada lagu badelayo hawsheeda wada. Xitaa saddexda xisbi haddii ay diyaar u noqdaan in ay doorashadu qabsoonto, lagama yaabo in xubnaha Goleyaasha Sharci-dejintu ay ogolaadaan ama meel-mariyaan arrin wax ka taraya doorashada qabsoomideeda. Annigu iyaga ayaan u arkaa caqabada ugu culus ee u baahan in ay shacabku fahmaan.
6) Hannaanka soo xulista xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka waxa loo raacayaa kala horaynta ku xusan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada (Xeer Lr. 20/2002) ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey 15/9/2012 Qodobka 11aad, Farqada 2aad.
7) Saddexda Xisbi Qaran waxay si wada jira u soo jeedinayaan in Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee cusub la dhaariyo ugu danbayn 15 October 2019.
Muranka Magaabista Xubnaha Cusub ee KDQ
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu isna 18-kii Ogos 2019 gudbiyey xubintii uu xisbigiisu u soo xulay in ay kamid noqoto KDQ oo ah Xasan Yuusuf Ducaale. Xisbiga WADDANI ayaa isna gudbiyey xubintiisa oo wuxuu soo xulay Cabdikariim Yaasiin Sh. Dalmar.
Inta aanan u gelin waxa ka jira doodda mucaaradka ee ah in xubnaha Madaxweynahu magacaabay qaarkood aanay buuxinayn shuruuddaha uu xeerku u dhigay xubnaha KDQ loo magacaabayo iyo qaabkii ay u dhacday ansaxintooda Golaha Wakiilladu, waxaan jeclahay in aan tilmaamo dhawr qodob oo ku cusub magaabista xubnahan cusub ee KDQ.
Xubnaha Cusub ee lagu muransan yahay iyo Shuruuddaha uu xeerku dhigayo.
Arrinta Cabdirashiid waxay la xidhiidhaa kiiskii Maxamed Xaashi Cilmi oo 2-dii Oktoober 2004-tii ay Xisbiyada UCID iyo KULMIYE si wadajir ah ugu magacaabeen Maxamed Xaashi Cilmi in uu noqdo xubinta buuxinaysa booska ka bannaanaaday KDQ oo ay bannaysay xubin geeriyootay oo magacaabeen lixdii urur-siyaasaddeed ee ugu horeeyey oo aanu ku jirin KULMIYE oo aan wakhtigaas la diiwaangelin. Madaxweyne Rayaale oo shan bilood kahor wakhtiga magacaabida oo ku beegnayd 3dii May 2004-tii Maxamed Xaashi ka qaaday xilkii Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha ee uu xukumadiisa ka hayey, wuxuu qoraal ku taariikheysnaa 14kii Diisembar 2004-tii ku diidday magacaabida Maxamed Xaashi isagoo ku doodday in aanay xubintani dhex u noqon karayn xisbiyada qaranka ama xukumada iyo mucaaradka maadaamaa uu muddo yar kahor ka qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu xukumadiisa ka hayey oo uu weliba wakhti xaadirkan aad uga soo horjeedo xukumada. Ugu dambeyn, Xisbiga UCID ayaa kelidii soo badelay markii uu KULMIYE tanaasuli waayey. Hadda weliba Maxamed Xaashi xisbiyadaas magacaabay midna xubin kamuu ahayn, balse kama madax-bannaanayn.
2. Xubinta 2aad waa Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi iyada cidna kuma dooddayso shuruud khaas ah oo aanay buuxinayni in ay jirto, balse waxa lagu dooddayaa in sida wacani ay ahayd in aanu Madaxweynahu soo celin oo uu isagu ikhlaas ka noqdo arrintan mar haddii dhammaan xubnahan uu wakhtigoodu dhammaanayaa ay yihiin xubnaha uu ka cabanayey Xisbiga WADDANI, Xisbiga WADDANI wuxuu ku dooddaya in heshiiska saddexda xisbi uu ahaa in aan la soo celin xubnahii hore ee KDQ. Inkastoo aanay qodobada heshiiska arrintaasi ku caddayn qodob kana mid ahayn.
3. Mustafe Maxamed Daahir waa nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah. Laba shuruudood uun buu shaki ku jiray siduu u buuxin doono. Labadaas shuruuduud oo ah da’diisa oo ay u badan tahay in aanu 40 jir gaadhin sida qodobka 13 faqradiisa 2aad ay shardiday iyo in uu yahay shaqaale dawladdeed maadaamaa uu ahaa Xoghayaha Golaha Wasiiradda laga bilaabo Sebtembar 2018, ilaa haddana lama caddayn in uu iscasilay. Ansaxinta Golaha CV-giisa markii la akhrinayey lama sheegin taariikhdiisa dhalashada maadaamaa shuruuddaha ay kamid tahay da’da qofku – xubnaha kale qaarkood taariikhdooda dhalashada waa la sheegay – balse xubnaha uu Madaxweynahu magacaabay waxay C.V-yadoodu ka bilaabmayaan waxbarashada oo taariikhda iyo goobta dhalashada lama sheegin.
Sidoo kale markii Golaha loo akhrinayey C.Vgiisa lama sheegin shaqadan ugu dambeysay ee uu Madaxtooyada ka hayey oo waxaa laga bilaabay in uu Child-protection-ka ka soo shaqeeyey sannadkii 2017-ka. Qoraallada uu soo gudbiyey waxa lagu soo koobay dembi la’aan iyo baadhis caafimaad. Xitaa in uu iska casilay shaqadii Xoghayaha Golaha Wasiirada oo illaa bishii Oktoobar gudaheeda cinwaankiisa LINKEDIN ugu qornayd, balse hadda ugu qoran in uu ka tegay Ogos 2019 oo ah bilowgii magacaabida xubnaha KDQ. Xitaa iscasilaad hadduu keeni lahaa, sidan u qoran ayaa caddayn ugu filan in isagoo shaqaale dawladdeed oo weliba Madaxtooyada ka shaqeeya loo xulay in loo magacaabo xubin KDQ kamid ah.
Arrinta Mustafe waxay la xidhiidhaa kiiskii ugu horeeyey ee xubin uu Golaha Wakiilladu ku diiddo xubin KDQ loo magacaabay. Muran lagu murmo magacaabida xubnaha KDQ waxa UGU HOREEYEY markii Madaxweyne Cigaal (Alle ha u naxariistee) uu magacaabay xubnahii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ), una gudbiyey Golaha Wakiillada 18kii Disembar 2001. Golaha Wakiilladu wuxuu fadhigiisii qabsoomay 21-kii Jeenawari 2003 ku ansaxiyey lix xubnood, balse Muuse Jaamac Maxamed oo uu soo magacaabay Golaha Guurtidu ayaa waayey codkii aqlabiyada golaha; waxa u coddeeyey 40 xubnood waxaana loo baahnaa in ay u coddeeyaan ugu yaraan 43 Xildhibaan.
Asbaabta xubintan lagu diidday waxa lagu sheegay in aan la caddeyn shaqo ka tegida xilka La Taliyaha Sharci oo uu ka hayey Golaha Guurtida, waxana loo cuskaday Qod. 11(1)(d) Xeer Lr. 20/2001 (imika se ah Qod. 12(2)(d) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017).
4. Cabdikariim Yaasiin Sh. Dalmar – waxa lagu sheegay in uu ka tirsan yahay Xisbiga WADDANI, inkastoo aan inta badan la soo bandhigin caddaymo buuxa oo arrintaas caddeynaya. Haseyeeshee, haddii ay caddaato isna waxa hortaal shuruudda Qod. 13aad, farqaddiisa 5aad Xeer Lr. 20/2001. Sidoo kale waxay xubintan ku sifoowday xubin ku shaqaynaysa awaamiirta xisbiga soo xulay sababtoo isagoo la magacaabay oo sidaas kaga gudbay marxaladii xulashada ayuu u hoggaansamay qaraarkii xisbigu ku hakiyey xubinnimadiisa oo aan sharciga meelna ka soo galin. Taasi waxay muujinaysaa in uu yahay xubin aan ka madax-bannaanayn xisbiga, waxaanay taasi muujinaysaa in aanu ku sifoobin shuruudda ku cad Qod. 13aad, farqaddiisa 5aad Xeer Lr. 20/2001.
Sidaas darteed, ansaxinta xubnaha KDQ ee Golaha Wakiilladu waxay ahayd mid aan loo marin hannaankii sharci oo Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee golahu aanay waajibkii saarnaa u gudan sifo sharciga waafaqan, isla markaana aanay coddeynta golahu u dhicin si sharci ah maadaamaa sida muuqatay aan la soo gudbin dhammaan caddaymahii muujinayey in xubnaha qaarkood ay buuxiyeen dhammaan shuruuddaha uu xeerku dhigayo.
Waxa xisbiyada mucaaradka ah u bannaan oo keliya in ay go’aanka Golaha Wakiillada ee ansaxinta xubnaha KDQ uga cawdaan Maxkamadda Sarre ee JSL. Waana qaabka keliya ee loo saxi karo khaladaadka sharci ee ka dhacay Golaha Wakiillada ama murankan looga gaadhi karo go’aan kama dambeys ah.
Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
Email: goodlawyer2014@gmail.com
Burco, Soomaaliland.