Ku dayo madaxweyne mustafe cagjar ku dayo

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.  dhaqankoodu mid maaha . Dhaliil la iskama qaato . DHafoor taabasho weeye . Dhibtana la iskuma eego . daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto. Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee . Kaalayoo bal dhegeyso.

Dhaqane:Ku dayo madaxweyne Mustafe cagjar ku dayo.
Dhaashane: waar maxaad akhriyeysaa maanta?
Dhaqane: Hees baan samaynayey
Dhaashane; Waar heesna garan mayside waxan ku waydiiyey .Dalka ma rabshada ka daysaan.Hada janaral Saqadhi waxba kama taqaaniine haduu cadhoodo jeelkuu idinka buuxin doonaa.Sow maydaan dhegaysanayn maalintii uu xilka la wareegayey wuxuu yidhi;Anigu sharcigaan aad ugu adagahay is ilaaliya.
Dhaqane;Yeelkeedee horta shalay si fiican buu sameeyey .Mar hadaanu shacabkii masaakiinta ahaa xabad la dhicin.waxanse idinka idin waydiiyey .miyeydaan xasuusan berigii aa mucaaridka ahaydeen wixii aa samayn jirteen?hal qof xataa ma la idinka xidhay berigaa? Idinkuna masuuliintii xisbigoo dhan baa jeelka ku gurteen.Adeer inigaa taliniya afweynaanu ka diidnay macadala waa ina Kahin.
Dhaashane:Dalku sharcuu leeyahay adeer.
Dhaqane:horta sharci sharci duun baa gurtaane .sharcigu idinka idinma qabto miyaa?waar inaadeer ilaahay ma laga baqaa.Dalka waxa sidaa u galay maaha xukuumada .waa golayaashan fadhiidka ah een waxba dadkii soo doortay u qaban ee xaaraan ku naaxa miidhan noqday.
Dhaashane: ma guurtida mise wakiilada?
Dhaqane:Guuri kulahaa! Waar guurti lahaane ,gafanayaasha na dhaafiya.waar heestii aan kuu sheegee waxan idhi:

Ku dayo mustafe cagjar ku dayo
Ku dayo madaxweynaha ku dayo

Siidaynta maxaabistiyo
Jeelasha dugsiyada u bedelay ku dayo
Dareenka soomalinimaa
Dhammaan ina deeqa yidhi ku dayo.

Dalkiisoo nabad ah iyo
Shaqaale la doortayoo
Dadkooda u daacadaa
Distoorkiisuba yahee ku dayo.

Waa qalinkii : Baxnaan xaaji aden diiriye
Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker