Gen. Richard Otto Oo la Wareegay Hoggaanka Ciidanka Uganda Ee ku Sugan Somaliya.

Dowladda Uganda ayaa Taliye cusub u soo magacawday Ciidankeeda jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, waxaana tani qeyb ka tahay is bedelo la filayo in dhowaan lagu sameeyo Taliska Guud ee Howlgalka AMISOM.

 

Gen. Richard Otto ayaa la wareegay Hoggaanka iyo Maamulka Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya, isagoo Xilkaas kala wareegay Michael Kabango oo sanadihii u dambeeyay ahaa Taliyaha Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

 

Munaasabad ka dhacday Xerada Xalane oo ah Taliska AMISOM ayaa Taliyaha cusub wuxuu ku Boggaadiyay howsha Talihii hore, waxaana uu xusay inuu halkeeda ka sii wadi doono, sidoo kale waxaa uu dalkiisa uga mahadceliyay in xilkaas loo magacaabay iyo waajibaadkiisa ka soo bixi doono.

 

Gen. Otto ayaa horay u soo Noqday Madaxa Howlgalada ee Xarunta Dhexe ee AMISOM sanadkii 2013, waxaa la sheegay in khibrado kala duwan u leeyahay howlaha milateriga, sidoo kale tababaro ciidan ku soo qaatay dalal dibadda ah, isagoo dalkiisa kala qeyb galay howlgalo ka dhan ahaa jabhadaha mucaaradka iyo howlgalo nabad ilaalin dalalka deriska ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker