YAA U KALA MICIINA: QANNAXEEY IYO KAWTE OO QOORTA ISLA GALAY!
Kawte: War heedhe Qannaxeey bal warran
Qannaxeey: Nabee waa la fiican yahaye berigaan intee ka baxday
Kawte: War heedhe kii adduun ahaa baan eryanahayee, ma dhegeysatay kii Sanbalioshe wuxuu ku hadlahayey caawa
Qannaxeey: Ma dhegaysane xaaw sheegyey
Kawte: Ku lahaa waddanka Soomaaliya Madaxweynahooda nin aan Haiye ahayn xaq uma leh
Qannaxeey: Xaa ku jaban warkaas.
Kawte: Yaab, oo waddanku miyaanu Soomaali oo dhan ka dhexeyn
Qannaxeey: Yahooy laqdabo danbe cid yeelaysaa mugga ma jirto ee Puntland aad qabtaane iyada iimaansada
Kawte: Idinkuba laba Maamul baad leedihiine Galmudug iyo Hirshabeelle, ma idinkaa cidla fadhiya
Qannaxeey: Adinka aqligiinna Xamar maad rabtaan inaad nagu xukuntaan
Kawte: Xamar muwaanay caasimaddii Soomaaliyeed ahayn
Qannaxeey: Xamar xaan ugu dhimanayney oo dadka uga burinayney haddii nalagu xukumayo. Muggaan xureysaneyney cid kale inay nagu xukunto maan u xureyneyney
Kawte: Waxaan moodayey inaad cadaalad raadineyseen laakiin xukunkaad dhacsanayseen miyaa
Qannaxey: Cadaadlad aan raadineyney maxaa jira adiga xitaa Garoowe waa lagugu xukumi jirey maanta laakiin xur aa tahay.
Kawte: Laakiin Garoowe waa Dhuusamareeb iyo Jawhar camal, kuwaas cidi kuguma haysato inaad isku xukuntaan intiinna deggani.
Qannaxeey: Gaalkacyo ilaa Buula Xaawo annaga aa maajooritaa ka ah, xaqna annagaa ul eh inaan u talinno. Xamaraana laga xukumayaa
Kawte: Oo Digil iyo Mirif, Banaadiri, Reer Baraawe, Jareerweyne, Daaroodka Jubbooyinka iyo Gedo xaq ma leh miyaa.
Qannaxeey: Dadkaas masaakiin waaye idinka lee afka-dheer nagu taago
Kawte: Markaa sidee rabtaa in wax lagu wada yeesho
Qannxeey: Idinka maa cid wax u ogol, Dhulmahante, Warsangeli iyo Leelkas muggay madaxweyne Puntland ka noqdaan aan annagana Xamar cidaha kale inaa madaxweynaha ka noqdaan u ogolaanaynaa
Kawte: Somaliland iyada maxaad ka damacdeen
Qannaxeey: Nimankaas qaldaamiinta ah annaga qayladooda ma rabno, mooska lee u diraynaa. Meeshay aadayaan iyaka lee waaye
Kawte: War ba’aa, oo midnimadii Soomaaliyeed ma inay kala dhantaalantaad rabtaan
Qannaxeey: Midnimadaas tii nalagu qiyaanay waaye. Dhammaantiin inaa Xamar noogu timaadaan aa rabtaan canshuurtayada inaa cuntaan. Saaxiib taas waa fahamnay mar danbena ma aqbalayno.
Kawte: War ninyohoow nimankiinna Galmudug iyo Hirshabeelle dhisan kari waayey haddii Soomaali faraha la idiinka qaado maxaa laga filan karaa.
Qannaxeey: Aqli aqligii cidda lagu yaqaanney aa weli waddiin, saaxiib “kaygana aan yeesho kaagana aan wada yeelanno” sheekadaas waa fahannay mar danbe ma soconayso.
“TAASAA LA LEEYAHAY HA IS RAACDO”




