SHEEKO CAJIIB AH OO NA DHEX MARTAY ANIGA IYO WADANI REER N&N AH!

Saaxiib Facebook (SFB): Salaamu caleykum

Aniga: Caleykum salaam

#SFB: Saaxiib waan ku salaamay, qoralladaada waan akhriyaa aaad aan ula socdaa waanna ku fahmay inaad dawlad diid tahay
#Aniga: Ujeedada qoraaladaydu sidaa ma ahayne armaa fahamkaagu dawladnimada si kale u yaqaannaa
#SFB: Maya maya saaxiib aad aan ugu fiirsadaa aniga iima dhuuman kartid
#Aniga: War anigu cidna uma dhuuntee, haddaan dhuumanayo meeshan cid walbaaba arkayso qoraalladayda ma soo dhigeene.
#SFB: Saaxiib aniga dadka waan kala aqaannaa, ciddiina dhan mucaarad aad tihiin
#Aniga: Waxa aan halkan kusoo qoro ciddayadu shaqo kuma laha, aniga aragtidayda weeye, malaha fahamkaaga cidaysan
#SFB: Maya maya asxaabta dhan aan wada soconno waa ku fahamsan nahay marar badan aan kaa hadalnay.
Aniga: Oo ma shir baaba layga galay
#SFB: Ciddiina Geri Koombe oo dhan wax baad diiddan tihiin, aniga ma garanaayo waxaa mucaarad u tihiin.
#Aniga: Anigu reerkaa aad sheegtay ma ihi saaxiib
#SFB: Ugaadeen aa tahay aan u malaynaa haddaba
#Aniga: Malahaagaasina sax maaha ee bal dib ugu noqo.
#SFB: Isug isug, qof aan soo weydiinaa dadka kala yaqaanna adigana qoraalkaaga maalin kasta akhristee
#Aniga: Haye
#SFB: Haa waa iga saxan tahay laakiin aniga Isaaq inaad tahay uma malaynin, saaxiib raali ahoow. Waxaan dhan waxaad u samaynaysid aniga weligay waan fahamsanaa.
#Aniga: Waxba maad fagamsanayn saaxiibkaasina khalad buu kuu sheegaye maad iska daysid ciddaan ahay waxba kaagama xidhnee.
#SFB: Warsangeli maa tahay haddaba?
Aniga: Maya saaxiib reerkanna ma ihiyi maxaad isu daalinaysaa
#SFB: Saaxiiboow runta ii sheeg haddaba Leelkase maa tahay?
#Aniga: War nin yohoow Leelkasena ma ihiye maxaa waxan ku daba dhigay.
#SFB: Ee adiga yaa tahay haddaba lahjad Majeerteen iyo reer Koonfureed midkoodna kuma hadashide?
#Aniga: Aniga ciddaydu muhiim maaha, fikirkayga ayaa muhiim ah inaad igala hadashid, waxaanse kuu sheehgayaa anigu dawlad diid ma ihiye waxaan ahay “dawlad doon”.
#SFB: Saaxiib adiga intee ku dhalatay haddaba runta ii sheeg.
#Aniga: Anigu waxaan ku dhashay magaalo Taleex la yidhaahdo.
#SFB: Runta ii sheeg saaxiib, ani umalayn maayo inaad Taleex ka imaataye.
#Aniga: Taleexna ma ii diiday!
#SFB: Cidaas Daraawiidhta Farmaajo abtiyaashiis waaye, iyaga dhan N&N waa taageersan yihiin saaxiibadayda iyagaa ugu badan. Ciddaas dad fiican waaye N&N qof kasoo horjeeda ani kuma arag, odayga Cali Qaliif Galeer maahine. Adi maxaa kugu dhacay saaxiiboow!
#Aniga: War nabadgelyo ninyohoow, anigana reerkaad rabtid igu qoro! Dawladnimadana sidaad doontid u micnayso.

Mohamoud Ibrahim (Xaaji).

dalmarbilaal@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker