Wanjalka Iyo Xadhiga Ganacsade Ethiopian Ah Iyo Masuulka Ka Danbeeyay !

Wanjalanyaa waa kalmad asal ahaan ka soo jeeda afka Axmaariga ee looga hadlo Dalka Ethiopia macnaheeduna waa masabid

Wanjalku marka uu ka yimaad shacab ama laba qof oo is haya xalkeeda waa la helaa heshiis iyo sulux wuu ku dhamaan karaa , Waxaase dhib iyo inkaar ah marka wanjalku ka yimaado MASUUL DAWLADEED oo qaranka xil loogu dhiibay ummad dhan

 

Muuse Xasan waa gudoomiyaha Quality Controlka Jamhuuriyadda Somaliland waa xil culus waa halka u khatarsan waayo ? waxa lagu baadhaa dhamaan badeecadaha iyo dawooyinka wadanka soo gala oo ka muhiimsan tayada alaabaha kale waa xil ka masuul ah fayo-dhawrka iyo nolosha bani,aadamka

Markay sidaa tahay qofka looga dhigaayo masuulka ama madaxa xilkaas waa inuu noqdaa qof hayin ah oo xikmad badan , hal adayg leh , danta guud daneeya , musuqa iyo isdaba marinta ka fog , SALFUDAYDKA IYO WANJALKA LAGU EEDAYN “ waa arinka uu ku kacay gudoomiye Muuse Xasan”

 

Waxa maalin dhawayd Gudoomiye : Muuse Xasan uu danbi wanjilaad ah kula kacay Ganacsade iyo Xildhibaan : CABDICASIIS AADAN DALMAR oo ka soo jeeda dalweynaha Ethiopia ee aanu jaarka nahay

 

G/sade iyo X/dhibaan : Cabdicasiis Aadan Dalmar waa macmiil deganaa mudo 8 bilood ah Ali Jirde Hotel ee mulkiyadiisa ay leeyihiin Qoyska Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo ninka Muuse Xasan layidhaanna xidid la yahay !!!

Waxa ganacsadaha lagu Wanjalay inuu yahay Basaas u shaqeeya dawlado shisheeya ah iyo waliba argagixiso inuu yahay Macmiilku 

Ilaahay ayaan idinku dhaarshee bal ka warama ninka sidaa u fakaraya ee loo dhiibay xil umadeed iyo sal-fudaydka ka muuqda talow muxuu ka yeeli badeecadaha soo galaya dalka

 

La Soco dhaawaca ku dhacay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland Iyo Ethiopia ….

 

Ayman moalin Maxamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker