Hooyo Soomaaliyeed Oo Mar kaliya Dhashay Afar Wiil Oo Mataano ah.(Sawirro)

Degmada Iimay Galbeed oo ka tirsan gobolka Afdheer ee degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa maanta saacadu markay ku beegnayd abaaro 3:30pm galabnimo hooyo magaceeda la yiraahdo Mooge Maxamed Ube ay ku umushay afar wiil oo mataano ah.

Guddoomiyaha degmada Iimay Galbeed Axmed Ibraahim ayaa sheegay in hooyadani ay si caadi u dhashay afarta ilmood isla markaana iyada iyo caruurteeduba ay caafimaad qabaan.

Axmed Ibraahim ayaa intaas ku daray in hooyadani ay horay u heysatay todoba caruur ah oo ka kooban 5 gabdhood iyo 2 wiil, haatana uu alle ugu deeqay afar wiil oo mataano ah.

Hooyadan caruurta dhashay ayaa waxay degan tahay xaafada labaad ee degmada Iimay galbeed waxaana aabaha caruurtan dhalay oo magaciisa la yiraahdo Cabdi Kaabe uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in xaaskiisa ay mar kaliya u dhasho afar wiil, isagoo Alle ka baryey inuu korintooda la garab galo.

Arintan ayaa si weyn looga hadal hayaa degaanka Iimey Galbeed, waxaana xarunta Caafimaadka degmadaas ee hooyadan ay ku umushay afarta wiil booqanayey dadweyne fara badan oo qaarkood dhaqaale ugu deeqay qoyska afarta wiil ay ku soo biirtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker