Kooxda Xamaas Ee Reer Falastiin Oo Madaafiic Ku Garaacday Gudaha Wadanka Israa’iil.

Rabshado iyo dhacyo ayaa mar kale ka dhex qarxay Israa’iil iyo mintidiin Falastiiniyiin ah magaalada Qaza.

Iksu dhacyada ayaa imanaya maalin uun ka dib markii 7 Falastiiniyiin ah iyo askari Israa’iili ah ay ku dhinteen howlgal qarsoodi ahaa oo ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen magaalada Qaza.

Mintidiinta Falastiiniyiinta ah ayaa 200 oo madfac ku riday Israa’iil.

Mid ka mid ah madaafiicdaasi ayaa ku dhacay gaari Bas ah oo aysan cidi saarnayn,waxaana ku dhaawacmay askari goobta ka ag dhawaa.

Israa’iil ayaa kaga jawaabtay duqaymo ay sheegtay in ay la beegsatay bartilmaameedyo militari oo ay leeyihiin Xamas iyo Islamic Jihaad.

Saddex qof oo Falastiiniyiin ah oo labo ka mid ah ay yihiin mintidiin ayaa halkaasi ku dhintay.

Rai’sul wasaaraaha israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa mar sii horeysay xiili hore soo gabagabeeyay booqasho uu ku joogay Paris oo uu uga qayb galayay sanadguuradii 100 ee ka soo wareegtay dagaalkii koowaad ee aduunka.

Mr Netanyahu ayaa lagu wadaa in uu kulan la yeesho madaxda ammaanka.

Isku dhacyadii dhacay Axadda

Hooyadda dhashay abaanduulaha Xamas ee dhintay Nur Barakeh oo ku sugan goobta maydkiisa la dhigay

Abaanduule ka tirsan Xamas iyo askari Israa’iili ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay isku dhacyadii Axaddii ka dhacay Qaza.

Falastiiniyiinta ayaa waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Israa’iil oo ku safrayay gawaari nooca rayid ah ay dileen abaanduule ka tirsan Xamas.

Sida laga soo xigtay ila wareedyo Falastiiniyiin ah ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u soo galay 3 km marinka Qaza,markaasi oo ay xoogaga xamaas gaariga joojiyeen.

Garabka militariga Xamas ee loo yaqaano Cizzedin al-Qassam,ayaa waxay sheegeen in ciidamada Israa’iil ay rasaas fureen halkaasi oo uu abaanduulaha ku dhintay.

Maxay israa’iil u dishay abaanduulaha?

Maadaama uu howlgalka Israa’iil ahaa mid qarsoodi ayaan wax faahfaahin ah laga hayn arrinta dilka abaanduulaha.

Militariga Israa’iil wax faahfaahin ah kama bixin howlgalka uu abaanduulahan ku dhintay.

Ciidamada difaaca ee Israa’iil ayaa hasa yeeshee waxay sheegeen “in u jeedada howlgalka uusan ahayn mid lagu doonayay in lagu dilo ama lagu qafaasho aragagixiso balse uu ahaa mid lagu xoojinayya ammaanka Israa’iil “.

Gaari Bas h oo uu madfac haleelay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker