Jawaab ku socotay nimanka Qoraalka Japan ee la baxay Somalilandpatriots.

Marka hore waxaan idinku salaamayaa salaanta ummada Muslinka ah, salaan ka dib,
waxaan la yaabay shaqsiga ama shaqsiyadda soo qoray qoraal yar oo diciif ah, oo nacam lagu dacaayadeeynayo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Walaalayaay, haddii aad tihiin sidaad isku sheegteen, “Somaliland patriots”, waxaad ogtihiin in ay qadyadda Somaliland wax walba ka culus tahay. Markaa uma maleynayo inaad tihiin Somalilanders, ee waxaad tihiin kuwa inaga hadhi waayey, ee inagu dabo lumay.

Ninka rag ah marka hore haweenka ma aflagaadeeyo. Siiba, marwooyin sharaf iyo haybad inagu leh. Waa hooyooyinkeen, walaaleheen, habaryarteen, eddooyinkeen oo kale.

Ninka rag ah hebel baa wax qabtay ama wax qabsaday kama hinaaso. Orodoo adiguba dalka iyo dadkaaga wax tar. Haddii Baashe Cawil laga dhigo wasiirka kharaajiga ama uu noqdo madaxweynaha mustaqbalka wuu u qalmaa.

Professor Faratoon waa oday sharaf leh, karti leh, da’daal leh, aqoon leh. Aflagaado riiqiis ah uma qalmo.

Shaqsiga ama shaqsiyadda Qoraalka diciifka soo qoray, ee xitaa ragganimaddu siin weyday in ay macagooda ku qoraan, waxaan leeyahay ceeb caleek.

Shabakaddaba waddaniga ah ee Oodweynenews ee soo daabacday, waxaan leeyahay iska ilaali wixii sumcadiina hoos u dhigaya.

Anigu iyo dadka sharafta leh ee aan soo macagaabay isku Xisbi ma nihin, isku siyaasad ma nihin, xitaa isku beel ma nihin, waxaanu wada nahay, Somalilanders.

Cidna cid ma cabudhinaso, oo hadaad dhaliil iyo talo keentid, soo tuur tacabka. Lakiin Aflagaado iyo cay, iyo hadal riqiis ah, ma aha wax dad weyn ku dhaqmaan.

Waa Bilaahi Towfiiq

Cali Maxamed Abokor
ruraledcomm@yahoo.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker