Dawladaha Caalamka Oo Shuruud Ku Xidhay Bixinta Lacagaha Doorashada Soomaaliya

Dawladdaha caalamka ee Somalia taageera, ayaa shuruud ku xidhay in ay bixiyaan lacagaha ku baxaya qabashada doorashooyinka Somalia.

Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway, ayaa sheegay in ay soo daynayaan dhaqaalaha u horreeya marka ay arkaan saansaan doorasho, oo qabsoomaysa.

Sidoo kale qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker