Talo Ku Socota Ardayda Berri Qalinjebinaysa iyo Waxay kale Kulmayaan Hadalada Siyaasiyiinta.

Ugu horrayn, madaxweynaha Jaamacaddu waxa uu idiin sheegi doonaa intan, “Dhammaantiin istaaga, Maanta oo bishu tahay 29, ogoos, 2019, markii guddida jaamacada, iyo dhammaan horjoogayaasha kulliyaduhu ay eegeen shuruucda jaamacadda u taala, waxay ku qanceen in aad maanta qalinjebiseen–oo aad buuxiseen shuruudihii qalinjebita, dhammaantiin waxaan idin leeyahay hambalyo, hambalyo hambalyo”. Warkaasi waa warka ugu fiican ee aad maqli dontaan intaad xarunta qalinjebinta fadhidaan.
Intaas kadib waxaa bilaabmi doona tirsiga iyo wararka dhiilada leh ee ay is-waydaarsan doonaan nimanka Somaliland xilalka ka haya iyo kuwa u soo mici dhabanayaa. Waxaa dhegahiina sida danabka dhexqaadi doona hadalo aan loo meeldeyin oo  xukuumaddu si’ badheedha idiinku sheego doonto in aanay waxba idiin haynin. Waxaa idinka hor daldalmi doona madaxweynaha Somaliland, Muse Bixi. Isaga oo ku fashilmay hoggaaminta waddanka iyo ilaalinta nabadgelyada, waxa uu munaasibaddiina  ku hafin doonaa hadalo siyaasadeed oo aan idinka waxba idiinka cabbin.  Waxa uu idinka hor sheegi doonaa hadalo uu ka xishooday xilligii uu madaxtooyada dhexjoogay in uu warbaahinta ka tebiyo.  Iyana waxaa la wareegi doona siyaasiyiin mucaarid sheegta oo ka faa’iidaysanaya warbaahintan bilaa qarashka ah iyo madashan cammiran. Xukuumadda iyo mucaaridkuba waxay sida bullaacadda idin ka wasakhayn doonaana maskaxda wanaagsan ee aad la soo kallahdeen.
Munaasabaddii kal hore, 2018. Waxay ahayd munaasibaddaydii, waxay ahayd maalintaydii, balse, sidii wax waliba ugu socdeen si’ wanaag iyo farxadi ku jirto waxaa hadalo aanan u bogin meesha la soo galay laba masuul, waa Buunigii UCID masuulka ka ahaa iyo Madaxweyne, Muse. Labadooduba hadalo wanaagsan mayjeedin oo aan ka ahayn hadalo ay ka muuqato jeesjees.
Ugu danbayn, qofkasta oo berri jooga Xafladda Qalinjebinta waxaan kula talin lahaa in uu niyad ahaan is-dejiyo oo aanu u fiirsan hadalada waxashnimada ah ee ka soo buxtaaci doona xukuumadda oo dhinac ah iyo mucaaridka oo dhinac ah. Xilli kasta waayahiisa leh. Halkii aad uga kallahdeen farxad, dabbaal deg iyo maalin bilan oo boqran, waxaa idinka hor imaan doona hadallo aydaan jeclaysanayn. Waxaa idin ku hor hunqaaci doona shakhsiyaad wanaagiina iyo waxtarkiina aan jeclayn weligoodna aan dadaalkiina waxba ku darsan. Hadaladaasi waxay maskaxdiina ku reebi doonaan dhaawac aydaan ugu talo gelin. Idinkoo farxad kusoo toosay ayaa dib laydinku celin doonaa siyaasadda rifanka iyo lisanka ah ee sii saqiiraysa.
Sadam Osman Kaabash
Biomedical Scientist
Hargeisa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker