Dab Xoogan Oo Ka Socda Gobolka California Ee Dalka Maraykanka oo sii xoogaysanaya.

 

San Francisco

California-(OWN)-Dabka halista ah ee hadda ka kacaya California oo dad laayay ayaa sii xoogaysanaya, sida ay masuuliyiintu ka digayaan, inkastoo kumannaan shaqaalaha dab damiska ah ay isku dayayaan in xakameeyaan.

“Cimilada oon la saadaalin karin” iyo hawada oo qalalan ayaa horseeday in dabku uu sii xoogaysto Axaddii, sida ay sheegeen shaqaalaha dab damiska.

Waa mid ka mid ah siddeed dab oo waawayn oo hadda ka kacaya gobolka.

Dabka ka huraya deegaanka Shasta ee waqooyiga California ayaa illaa iyo hadda dilay lix ruux, waxaana ka mid ah labo carruur ah iyo ayaydood.

California

Melody Bledsoe oo 70 jir ah, Emily Roberts oo shan jir ah iyo James Roberts oo afar jir ah ayaa dhintay markii uu dabku qabsaday khamiistii.

Mayd afraad ayaa la helay Axaddii.

Labo ruux oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa iyaguna Khamiistii dhintay, qofkii saddexaad ee ka mid ah shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa geeriyooday isaga oo la hardamaya dabka Ferguson horaantii bishan.

Xigasho: BBCSOMALI NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker