TAARIIKHDA DEGMADA XAAjI SAALAX

Degmada bali Xaaji Saalax waxay dhacdaa Juquraafi ahaan marin xuduudka koonfureed ee Soomaaliland iyo Itoobiya, waana degmo ganacsi . Waxaanay dhanka beri koonfureed ka xigtaa Caasimada Hargaysa 210km , magaala madaxda gobolka Daadmadheedh Oodweyne 80km, gobolka Togdheerna waxa ay u jirtaa 120km.

Waxa la-aasaasay sannadkii 1948kii , iyadoo la qoday baliga ka dibna baraagaha iyo magaaladaba lagu xigsiiyey mudadaa ay Xaaji saalax jirtay , waxa ay samaynaysay horumar balaadhan oo dhanka deegaanka iyo ganacsigaba ah.
Degmada xaaji saalax waa meelihii ugu horeeyey ee ay ka unkantay Jabhadii xaqu dirirka ahayd ee SNM waxaanay dadkii deegaanku u muujiyeen SNM taageero nafeed iyo mid maaliyadeedba oo haddii aanay dadka degmada xaaji saalax is barbartaagi lahayn Jabhadadii deegaankooda ka dagaalamaysay wax horumar ah kama samayseen deegaanadaas .

Dhibaatooyinkii ka soo gaadhay dadka deegaanka ee ay dawladii maxamed Siyaad Bare kula kacday, iyadoo kaga aar gudanaysay taageerada dhaqaale iyo maaliyadeed ee dadkii deegaanku u muujiyeen ururkii Snm ee xaqu dirirka ahaa . waxay dawladu dadkii deegaanka kula kacday dil xasuuq iyo in hantidooda la gubo lanaga fara maroojiyo iyadoo aano looga dhigayey inamadiina yaryar soo qabqabta ee duurka ku jira .

Degmada xaaji saalaxa waxa la gubay laba jeer isla sannadkaas 1983kii, waxaana la qarxiyey oo labaabiiyey dhammaan wixii baraago ku yiillay halkaas. Waana degeenkii ugu horeeyey ee gobolada waqooyi galbeed ee dawladii Siyaad Barre ay gubto oo ay baabiiso iyadoo kaga aar gudanaysay dadka deegaanka oo taageero u muujiyey ururkii Snm iyo laba Mujaahid oo ururka SNM ka tirsanaa oo dagaal ba`ana kala soo horjeeday dawlada oo kala ahaa Alle ha unaxaristee mujaahid Maxamed Cali iyo Jaamac Cali Cilmi.

Degmada xaaji saalax waa degmo ay ku abtirsadaan dad magac iyo maamuus ku leh dhulka soomaalida dadkaas oo iskugu jira ganacsato siyaasiyiin maalqabeeno Culimo. Degmada Xaaji saalax waa meelihii nabada soomaaliland laga soo unkay dadka deegaankuna asal ahaan waa dad asxaabul cuquul ah oo nabada iyo wada jirka soomaaliland door mugleh ka qaatay haday tahay xiliyadii dagaaladii sokeeye iyo nabadayntii beelaha soomaaliland,marwalba waxa ay ahaayeen dadka deegaanku kuwo door mugleh ka qaata hawlahaas .

Degmada Xaaji Saalax waxa degma ahaan si rasmi ah loo siiyey 2009 xiligii madaxweyne Riyaale , waxaana maamulkeeda u kala danbeeyey tan iyo aasaaskii magaalada 7 gudoomiye oo ay magacyadoodu kala ahaayeen sidan.
⦁ C/llaahi Yuusuf Qulunbe
⦁ Cismaan yuusiuf Qulinbe
⦁ Saleebaan Cismaan yuusuf
⦁ Cabdi Axmed Nuur (Tuurane)
⦁ Ibraahim Cali yuusuf
⦁ Khadar Cabdi oday
⦁ Cali Muuse Faarax (oo ah ka xilka ahaya hada)

Degmada dhammaan waxa ka shaqeeya waaxaha dawlada ugu muhiimsan sida garsoorka , saldhigii ciidamada booliska, goobo caafimaad oo kala ah cisbataal iyo xanaano Mch , dawlada hoose , guriga martida ,Xanaanada Xoolaha , Dhismaha Saylada xoolaha , dugsi sare , dugsi hoose/dhexe , sideed madaariska quraanka kariimka ah .
dadka deegaanka oo koraya qiyaas ahaana gaadhaaya marka laysku daro dadka rasmi ahaan degan labada dhinacba xadka xaaji saalax qiyaas ahaan waa 10 000 qof hadii lagu daro dadka deegaanada ku xeerana uga yimaadana tiro badan yaa sii siyaadaysa.

 

Qalinkii : Maxamed Muuse Cilmi
Bariise _77@hotmail.com
0634149171

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker