Maxey SL ku Weyday Ethiopian Airline Duulimaadada ka Bilowday Garawe. QALINKII Maxmuud Biixi

Hordhac

Hargeysa iyo Berbera ba waxay ahaayeen, kudhawaad 20 sanadood, albaabka laga galo lagana baxo, dhamaan geyiga somalidu degto ee xorta ah.

Taasna waxa u saamaxdey nabadgalyada iyo maamulka ka hanaqaadey guud ahaan Somaliland. Arinkan waxa uu siiyey in Somaliland ay ku soo hirtaan sharkado calami ah, in ay aaminaan maalgashina ku sameeyaan, sida sharkada shidaalka ee caanka ah ee Total oo mudo dheer maamuleysay haamaha keydka shidaalka ee Berbera.
Bilowgii 2001-kii waxa Hargeysa, soo degtey hay´ada caafimaadka aduunka WHO oo kasoo guurtey Nairobi, waa xafiiskii guud ee Somalia, halkaas oo aad loogu duray madaxii WHO ee Somalia headquarter, isagoo ku doodey in Hargeysa tahay goob la isku haleen, karo, qarash jaban, kana mid ah goobihii aheyd in xafiiskiisu ka dhaqan galo.
Suaaluha la isweydiin karaa waxay tahay (1) Maxay Somaliland ku waayi kartaa sumcad ahaan, dhaqaale ahaan, adeeg ahaan? (2) Waamaxay tartanka jira ee Iyana Somaliland hoos u dhigi qiimihii somaliland, ee ka dhalan kara tartanka madaarada Somalia?

 

Dhanka Sumcada
….waxa ay aheyd, 2002 dii markii aanu makhaayad badhtamaha suuqa Hargeysa, kutaal aniga iyo nin aanu saaxiib nahay, waxaanu ku kulaney meeshaas Eebe ha u naxariistee Dr. Saleebaan Guri-Barwaaqo, isagoo nooga waramey siminar uu ku tagey, dalka Canada, taas uu nooga waramey diyaarada Ethiopian Airlines, oo uu kasoo raacey from Toronto to Hargeysa.
Waxaan dareemayey buu nagu yidhi marxuunku, Sharaf, qiime iyo qab. Ka dib markii aan arkey dad kala duwan oo ka waramaya, in ay tahay markii ugu horeysay ee Somalia yimaadaan, duco iyo amaan labadaba kula dul dhacayeen Somaliland. Waxaan dhageysanayey meelaha ay kasoo duuleen, oo aad u kala duwan. Sida magaaloyinka, Ottowa, Ohaio, Newyork, Sandiogo, Paris, London, Stockholm, Oslo, Sydney, Cairo iyo Kharduum.
Bal qiyaasa mudo 20 sano ah oo dharaartii kastaba laba flight Hargeysa imanayeen kana dhoofayeen intey noqoneysaa. Qofkastaana uu arkayey inta horumar, amaan iyo maamul aynu dheerney Somalia, mid ka garaaba iyo mid xaasid qaado oo cadhada kula dhaca maamulka uu kasoo jeedo.
Tusaale ahaan, 2013-kii waxa Hargeysa transit ku marey duqii Xamar, Tarsan, uu diyaarad uu saarnaa shidaal ka qaadaneysay. Halkaasoo uu shaqaalaha madaarka Hargeysa ku amaaney, security ga, sida ay u hubinayaan dadka gudaha garoonka ku sugan, una ilaalinayaan shuruucda loo dhigey, qorshaha, maryaha iyo qalabkaba. Taas oo aaney Xamar, ay mudan tey buu yidhi in aynu kaga dayato.

 

Dahnka Dhaqaalaha iyo Adeeg Ahaan
Madaarka Hargeysa dhaqaale badan buu soo gashaa Somaliland aan isku kobo Ethiopian Airlines
2 flight maalin kasta. Hadii aynu meel dhexe dhigno waxa Hargeysa yimaada 200 ugu yaraan ilaa 400 ugu badnaan maalintii, inagoo tix-galineyna kala duwaanshaha xiliyada sanadka.
Kasoo qaad 250 qof oo kaliya maalintii. Dadkaasi waxa sita Somaliland passport ilaa 5-10 qof, Somalia passport na ilaa 10 qof. Waxa soo hadhey 230 qof oo sita passports ajanabi ah.
230×70= $ 16100(lix-iyo-toban kun iyo boqol doolar) maalinkasta
16100×365(maalmood sanadka) = 5876500( shan malyuun sided boqol lix iyo todobaatan kun iyo shan boqol oo doolar).
Waa ugu yaraan, ugu badnaana waa laba laab.
Ka waran marka fly Dubai ay iyana bisha August ee dambe bilowdo duulimaadii Garawe. Xisaab kale ayaa iyana soo baxeysa. Waayo faly Dubai waxay ku xidhantey diyaaradaha Etahaad airways iyo emirates oo kamid ah shanta diyaaradood ee aduunka loogu jecelyey.
Halkaasna waxa ku lumaya lacag u dhiganta ama wax yar ka yar Etiopien airlines.
Dadkaas faraha baddan iyo in Hargeysa transit ku yimaadaaba waxay degaan hargeysa Hotels keeda kala duwan.
Kuwaas oo ahaan jirey dhamaantood qaar wada buuxa, adeegyada telifoonada, gaadiidka, cuntada, dukaameysiguna u dheertey.

Ugu dambeyntii….dadkaasi ma waxay wada ahaayeen reer Somaliland???? Kala badh waxay ka iman jireen Puntland iyo Galmudug. Dadka reer Somaliland ee gobolada Sool iyo Sanaagba wey u dhawdey in ay Garawe ka degaan.
Waliba, hadii ay dhacdo carqalad dhanka hawada, services, towerka ama run-way ga ahi ku soo daristo madaarka Hargeysa, diyaaradaas waxay ku qasbantey in ay caga dhigato nearest airport of Somalia oo ah Garawe, sidii tahriibayaashii reer Somaliland ee Libya laga soo ceshey ku dhacday, markii Hargeysa loo diidey in ay kusoo degaan.
Bal is weydii diyaarad sida Muuse Biixi iyo waftigii Guinea u raacey oo kale hadii ciladi ku timaado, tower ka hagayaana waa ka Xamar yaal. Saw Muuse iyo Garawe isma hurna markaas, malagase yaabaa in ay PL maxbuus ahaan u qabsato ileyn laba dhinac oo dagaal ka dhexeeya ayeeynu nahaye. Waatanoo madaarkii Berbera weynagaa siiney Emerates waxna aynaan ka dheefine.

 

 

Lasoco jawaabta suaasha labaad.

Mahmud Ahmed

““2222222222222

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker