Ma Gabooyaa Ajiya, Mise Ajibaa Gabooye ah????????!!!!!!!!!.

Allaah(Swt) Wuxuu Abuuray Bini Aadam Iyo Jin, Wuxuuna Ka Yeelay Qabiilooyin,
Waxayna Kala Yihiin Muslimiin iyo Gaalo,
Allaah(Swt) Xagiisa Waxaa Loogu Kala
Dhoow Yahay Allaah Ka Cabsiga Iyo Taqwadda.
Caasimadda Adis-ababa Muddo laga joogo
Ama lagu qiyaaso labaatan sano, Waxaa aad Ugu qulqulayey oo guryahoodii u soo Xaraashay iyo Jagootin ama baloodho waxay Lahaayeen Beelaha Hawiye, Daarood, Isaaq Iyo Samaroon, Beelahaasi Waxaad Moodaa Inay Wadankoodii uga soo qaxeen dagaalo Aad u xun, oo aanay awoodi karin inay dib ugu
Laabtaan wadankoodii oo ay doonayaan in Kaamam Qaxoonti looga sameeyo Caasimadda Itoobiya ee adis ababa, Wakhti ku beegan 6/7/2012, 2:00 Galab, Maalintuna tahay Khamiis, Waxaan ka ambabaxay Caasimadda Hargaysa ee Jamhuuriyadda Somaliland,  Waxaanan Safar ugu ambabaxay Wadanka Itoobiya Caasimaddiisa adis ababa, Maalin Maalmaha ka mida waxaan u soo dhaadhacay Goobaha Ama Makhaayadaha ay isugu Yimaadaan Soomaalidu, Waxaan Soo gaadhay Makhaayad Wayn oo aad u camiran oo ay Haystaan Amxaaro Soomaali iska noqotay Oo La wada kaftamayo,
Makhaayadda Waxaa Iskugu Yimaadaa Shanta qaybood ee Soomaalidu ka kooban tahay, Somaliland, Soomaaliya, Kililka Shanaad, Soomaali Jabuuti
Soomaali Kenya, Jabuuti Mooyaanee Dadka Doonaya inay dhoofaan 80% waxay ku dhaafayeen, kuna dhoofayaan magaca Gabooyaha, Habeen Habeenadda ka mida oo Aanu soo tukanay Salaadii Cishe iyo Taraawiixdii waxaanu dib ugu soo noqonay Makhaayaddii oo aanu ku cawaynayno, oo Xog Badan aan ka helay dadkan dhoofka sugaya Badankoodu inay magaca gabooye ku dhoofayaan, Yadoo gabooye badanina nala Joogaan, oo aanu badankooda is naqaano, Waxaan ku idhi Qoladdiinan Gabooye wax Idiinka liita weligay maan arag!!!!, waxay igu Yidhaahdeen Walaal Axmadoow maxaad nagu Aragtay?!, Waxaan ku idhi Qoladdiina Gabooye Nasrigii ayaa idiin dilaacay waadna Ka faaidaysan kari la’dihiin!!!!!!, Yaab ayey ku Noqotay!!!!!!, Waxay yidhaahdeen Nasriga noo Dilaacay noo faah faahi!!!!!!, waxaan ku
Idhi Gabooyoow maanta magaciiinu aad ayuu U qiimo badan yahay, oo ajigii idin odhan jiray Hablahayaga ma gaysaan?!, Inamadayaduna Hablihiina ma geeyaan?!,
maanta waa kuwaas Hareeraha idiinka fadhiya ee walaaladiin Noqday!!!!!, miyaad garan waydeen intaydaan Dhoofin Ajiga!!!!!!, inaad shuruud adag ku xidhaan Oo hablahooda aad guursataan oo aad ka dhashaan ugu yaraan sadex caruura!!!!!, hablihiinana ay guursadaan ajigu, oo ay ka Dhalaan ugu yaraan sadex caruura!!!!, gabooye iyo aji markay isu Noqdaan xidid wanaagsan oo lays aamini karo, caado shaydaankana laga tuuro meesha
Inaad sharciga dhoofka u dhamaysaan!!!!!, Hadalkaygii Ajigii Makhaayadda isugu yimi Qaylo iyo Cabaad ayey kaga toleen!!!!, Axmedoow Inaadeer maxaad noogu diraysaa Nimanka Gabooye oo aad isu kaaya nacsiinaysaa!!!!!!, Inan gabooye ah oo aanu Saaxiib Lillaahi ahayn, kana mid ahaa Ciyaartooyaddii soo maray Kooxdii Dalbac, Markii dambena noqday Xulka kubadda
Cagta ee Gobolka Togdheer, intii dambena ka Mid ahaa Aqoonyahanadda Iyo Hal doorka Gobolka Togdheer, Ayaa hadalkii qaatay oo si Wanaagsan uga hadlay wuxuu yidhi Waar Ajiyoow ma is maqalnaa hadalka Walaalkay Axmad yidhi waa runtii oo ilaa shuruud adag la idiinla galo, oo aad hablihiina si niyadle noogu Guurisaan, anaguna aanu hablahayaga si niyad leh u guursano, si sharafi ku jirtana aad u dhooftaan ayaan aad u jeclaan lahaa!!!!!!,
Balse waxaad cidla ka hesheen odayaal aan Damiir lahayn, oo diintoodu Lacag tahay!!!!!!,
Walaalkaygii ama Saaxiibkaygii Waxaan hadalka ugu soo geba gebeeyey, Waxaan ku
Idhi Kaysoow ma aji baa gabooye ah???!!!, mise gabooyaa aji ah???!!!, Waxaan hadalka Ku soo khatimay Kaysoow adiga iyo Beeshiina Gabooye waa inaad Allaah(Swt) u mahad naqdaan, mar haddii uu Allaah(Swt) uu idiinka Hiiliyey Ajigii oo ay Magaciina ku dhoofayaan!!!!!!!!!!!!!!!!.
ahmed adem mohamoud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker