Maxamed Mursi Madaxweynaha Kaliya ee Masar Si Xor ah Loo Doortay Balse Ku Guuldaraytay Qore : Maxamed Xoosh

Hadaba anigoo si dhaw ula socda siyaasadda carabata, wey adagtahay in lagu soo koobo mid iyo laba in buug laga qoro mooyee …

1- Mursi AHN muu noqon madaxweyne DADKOO DHAN WUXUU KU KOOBNAADAY XISBI!!!

2-Wuxuu noqday madaxweynihii keliya ee si dimuqraadiya loo doortay xibigiisu se dimuraadiyadii wuu laalay

3- Wuxuu is yidhi la dagaalan ELITE kii ugu dhaqaalaha iyo siyaasadda iyo aqoonta gacanta ku hayay iyanna wey la

dagaalameen

4- Isagoo cusub ayuu furumo badan isku furay reer galbeed ….

5-Dhibaatada maalin laha dadka ku adkaaday xal u helideeda waana arinkii kacdoonku ka kacay

6- Waxa ugu yaab badnaa Xibiyadii Liberal Democracy , Calmaaniyiintii, Shiiciyadii, Hanti-goosadkii, Hanti wadaagii Dimuraadiyada ahayd, Salafiyiintii , Iyo Azhar, Indheer garadkii iyo Aqoonyahankii la islahaa โ€œBargainingโ€ iyo heshiis ayay wadageli waxay soo baxeen xisbiyo is xininaya oo leh hadaan anigu waayo KELITALIS CIIDANKA ka mid ahi ha qabsado …

7- Mursi keliya kumuu guuldaraysan ee waa la fashiliyay u kas , Nimankii Dawlada haystay oo uu la coloobay iyanna zero game ayay la ciyaareen !!!

8- Ikhwaanku waxay ahayeen ururka keliya ee isku xidhan 50 sano u danbeeyay sidaa awgeed ayay Noqotay ama in iyaga la doortay ama Colkii mubaarak

9- Mursi muu ahayn Siyaasi iyo nin dawladeed wuxuu ahaa macalin jaamacadeed โ€œSharax dheer u baahanโ€

10-Ikhwaanku aragti ayay ka haysteen siyaasada markii ay timid waaqicii wey guuldaraysteen โ€œfulintu wey ka duwan tahayโ€

11-Waxa la yidhaa Ikhwaanku KACDOONKII DHEXDA ayay kasoo raaceen balse midhihii guusha keligood ayaa isku koobeen sidaa awgeed afgambigii ku dhacay 2014 dad badan ayaa ku farxay

12- Sideedaba ciidanka masar ilaa 1952 iyagaa xukumaayay dalka markaa damac ayaa ka hayay kursiga !!!

13- marka lagu yidhaa ku dhawaad saraakiil gadhaya 50 kun oo bilays ah iyo 25 kun oo ciidan jananadiisii ah iyo ku dhawaad 150 kun saraakiil madaniya iyo ku dhawaad 5 malyuun oo shaqaale iyo ka agdhow dawladda waa la idin xisaabinayaa oo maxkamad ayaa la idin saarayaa waxay odhanayaan adigaa fudud…

14- 100 malyuun isku hayntooda iyo waxay cunaan iyo xaquuqdooda iyo xoriyadooda in joogto loo ilaaliyo iyo ku dhawaad 60 kun oo budhcad iyo tuug bilayskii ogaan ugu soo dayay ayaa mursi laga rabay kala hufintooda !!!

15- garaad siyaasiga ah ee shacabka oo yar dadku makala yaqaanaan Regime ka iyo Qaranka iyo weliba Siisi ninka siisi ama mursi kolba kii jooga soo hadal qaadaa waa qaran dumis !!!

16-dhib badan oo ay dhalisay Boqolaal sano shacabka la cabudhinayay , Munaafaqad, dabo dhilif, guulwadayn, Danaysi naftiisa ku kooban

waxaa ka waramaya buuga la yidhaa

Edit

The Discourse on Voluntary Servitude, or the Against-One

(Discours de la servitude volontaire ou le Contr’un) ร‰tienne de La Boรฉtie

17- waxa jira dhibo la xidhiidha kala sarayta bulshada , Aqoonta , Tirada dadka , Diinta, Miyi iyo magaalo ……… u baahan wakhti

marka xukun dawladeed laga hadlaayo Nin fiican iyo nin xun oo naarta galaya ma leh sida ay u qiimeeyaan dadka maqaaxiyaha fadhiya iyo wadaadada yidhaa SIISI waa ehlu naar wey ka fogtahay dad iyo dal taladii waa cilmiyo dhan !!!

 

Alle u naxariiso Maxamed Mursi

 

 

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker