Siyaasi Cali Guray Oo Naqdiyay Qaabka Xulista Musharraxiinta Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ahaan jiray xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE balse muddooyinkii dambe si adag u dhaliila siyaasadda xisbiga iyo Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu si adag u naqdiyay qaabka xulista Musharraxiinta Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada oo uu ku tilmaamay mid si weyn u dhaawacday dimuquraadiyaddii Somaliland ee curdinka ahayd oo dib ugu celisay hannaan qabali ah oo aad u beelaysan isaga oo dhinaca kalena dhaliil u soo jeediyey cuqaasha ciddii ay dortaan maahee cid kale haddii ay xisbi kale iska soo sharraxdo xabsiga u taxaabaya.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo qoraal kooban oo uu ku baahiyay degalka uu ku leeyahay barta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay u socoto soo xulista Murashaxiinta u tartami doona Doorashada Golayaasha Deegaamada iyo Wakiillada ee la filayo in ay dalkeena ka qabsoonto aakhirka Bisha May ee innagu soo aaddan isaga oo sheegay in masuuliyadda ugu weyn uu leeyahay qofka codeeyaha ahi taasoo berri marka aakhiro la tago la waydiin doono, halka uu wax lala yaabo ku tilmaamay qaabka beelaysan ee xaaladda dalku mar kali ah isu baddashay.

Siyaasi Cali Guray oo Arrimahan ka hadlayaa waxa uu yidhi: ““Hadda waxay maraysaa in cuqaashu kay keeneen mid aan ahayni hadduu xisbi kale iska sharraxo in la xidho. Waa maxay dimuqraadiyadda aynu ka hadli karnaa markaa?” ayuu yidhi Siyaasi Cali Guray oo naqdiyay xadhiga lagula kacayo cid kasta oo ka soo horjeedsata damaca ama doonista caaqilka oo xisbi kale iska soo sharraxda.

Dhinaca kale Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in ay codkooda siiyaan qof kasta oo u qalma oo umadda wax u qaban kara oo daacad dalkiisa iyo dadkiisa u ah balse aanay ugu codayn qabyaalad iyo reernimo taasi oo uu ku tilmaamay mid qofka qiyaamaha loo soo joojin doono oo lagala xisaabtami doono.

Cali Guray oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxa muhiim ah qofka aad Codkaaga siinayso in aad ka fiirsato. Illayn haddii uu xilka wax ku baabi’iyo Ilaahay qiyaamaha wuu ku waydiine. Ma ilmaadeer baanu ahayn baa kaa saaraysa? Codka aad bixinaysaa waa masuuliyad” ayuu yidhi Siyaadi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey).

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa dalka si weyn uga socota soo xulista tartamayaasha Murashaxiinta Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo si xaammi ah dalka uga socota taasi oo halkii ay ahayd in axsaabtu soo xushaan dad umadda wax u qaban kara oo daacad ah ay imika xaaladdu noqotay in kaliya jufooyinka beelaha ahi ay is eryanayaan dhexdooda oo jufo kastaa ay soo sharraxayso xildhibaano.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker