XOOLIHII LAGU DABOOLI LAHAA BIRIIJYADA JABAY, HA IS WEYDIIYAAN SHACABKA IYO XUKUUMADDU.

Dunida iyo caalamka kale ee aynu ku doodayno aanu ka mid noqon oo ha nala ictiraafo horta aynu is weydiino sida wadamada loo maamulo ma isu maamulada oo Dan guud iyo Dawlad AAN la kala sheegan ma leenahay, Maxkamado iyo cadaalad loo simanyey ma haynaa, ummad karti iyo aqoon shaqo loogu qaybiyo ma haynaa. Jeelasha dad aan dembiyo lahayn ma ku xaraynaa, xoolaha danta guud ee madaxda boobto ma ka soo celin aa maanta waa maya. Maanta dhibaatooyinka roobku keenay iyo kuwa soo socda xoolihii lagu DABOOLI lahaa badankoodu waa ka Siilaanyo iyo wasiiraddii sii haystaan, waa lacagtii Wasaaratul Maaliyah inoo ooli lahayd ee aynu daa dadka iskaga moosi lahayn. Dhibaatada gobol ma taqaan reer a ma taqaan ee daadku wuu idin wada qaadayaa markaa maanta Dawladda Muse Biixi ha u ooyina ee nimankaa idila jooga ee leexsady dantii Guud shacabkan dhoohanaw u ooya Xukuumaddii Kulmiye ee hore. Xukuumadda hadda joogta weli may ilka dhacsan oo waxba may raamsan laakiin tollow iyana maxay yeeli.

Reer Burcona dadka eega idinkaa yaqaan halkay mareen xoolihii aa daadka maantay ku moosi lahayd een. BIRIIJYADA Burco way garanayaa cidda tiirarkii ka cuntay ee waa ay hadlayn ifka.
Dawlad nimadu wax kale maaha ee waa danta guud marka koobaad Maaha reer hebel oo la tuso inay bursadaan sharci xumada iyo boobka lagu tarbiyadeeyo dabadeed salaan laga dhigto. Markaa fahanka Dawladnimo wuu inaga QALDANYEY, Runtiina anigu haddaan Madaxweyne maantay noqon lahaa Siyaasiyiinta Somaliland badankooda densey world baan ku ciyaarsiin lahaa waayo dhaqankoodu waa ka caruurtoo kale, action koodu waa ka caruurtoo kale. Intay horteena Xoolihii danta guud ku qaataan Bay weliba inoo maadeeyaan sidii jilayaasha.
Sudan aynu imika nahay reer Somaliland aw dunida kaga ma mid noqon karno yeynaan been isugu sheekayn.
M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker