Muusa Doodey Oo Yidhii ” Madaxweynimo Dhiib Badanaa ” Mucaaridnimo Sal Fuduuda ”

Waa Jacbuur Kaftan ah xaqiiqna ka fogeyn sidaa arrimaha siyaasadda Xukuumaddeenu ka muuqata ee ay u wajahwareersan tahay xagal-dac badani iyo khibrad la’aan  hoggaamin go’aan wadatashi miisaan huwan jirin. 
 
 Sii kala fogaanshaha goboladii Bari sabaab u tahay aqoontada kartida, iyo khibrada Golaha wasiiradda Madaxweyne  Muuse Bixii  igmadey  Tusaale Gaashaandhiiga Arrimaha gudaha iyo Ganacsiga. Tayo xumaa xeelaad darranaa.
 
 
 
 
 
Madaxweyne dacaadan ahay
Masuul la’doortay baan ahay
Dadkii’se wey ii durayaan
Muddo dheerna maan hayn
Muurankoodu badanaa
Baahii qaran mugweyna
Madaxtooyaddan raari
Marwaddu joog imay odhan
Maalgelin hadday tahay
DPW Midabo badanaa
Midowga Yuruub shir badanaa
Go’aankoodu adaga
Mucaaridka u nuguula
Madaashii aqoonyahan difaacayga may gelin
Max’ed Kaahiin Cag-culusa
Faysal Martiqaad ku wacanaa
 
 
 
By:  Cali C/laahi Ismaciil Dheeg
Wales, UK.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker