Shirkada Laydhka SOMPOWER Oo Noqotay Dilaa Qarsoon, Dadweynow Ka Foojignow. W/Q: Maxamed Adan Nuur

Tan markii ay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeega korontada Caasimada Hargeysa ay ku midoobeen Shirkada la yidhaa SOMPOWER, waxa isa soo taraya tayo xumo maamul, tamar la,aan awoodeed iyo tacadi baahsan oo shirkadan ku hayso Shirkadahii diiday in la midoobaan sida Telesom Electric, National Electric iyo Gaafane Electric. Shirkadan SOMPOWER oo la doonayay in kooto loogu xidho Laydhka caasimada oo uu dabada ka riixayay Wasiirka Tamarta JSL oo hore u ahaan jiray Gudoomiyaha Shirkada SOMPOWER.
Shay kasta oo la buunbuuniyo wuxuu ka fogaadaa xaqiiqda, wixii la moodayay waxan ahayna wuu soo baxaa, Shirkadan sompower oo dano badan laga lahaa ayaa markii ay suuqa soo gashay wixii la moodayay noqon wayday iskadaa waxtar ay bulshada kusoo kordhisee khasaaraheedii ayaa laga bixi la,ayahay iyadoo noqotay dilaa qarsoon oo sababtay dhismashada dad badan oo qaarkood ka mid yihiin shaqaalahii u shaqaynayay iyo qaar shacabka ka mid ah, waxaana sabab u ah dhawr qodob.
1. Xadhkaha qaada dabka oo ah kuwa aan wadan nidaamkii safety ga ee loogu talo galay oo hadii shoodh qabsado sababi kara dhimasho dagdag ah oo qofka uu qabsado iyo ka is yidhaa u gurmo uu galaafto sidii ka dhacday Hargeysa oo laba qof ku dhinteen kii uu qabsaday iyo kii u gurmadayba. Mayd maxaa u danbeeyay ayaa la yidhi kaa lasii sido, khasaare dhimasho waxa u danbeeyay labada qof ee dadka Sompower ku dilay caasimada xili uu roob wayni ka da,ayay caasimada. Mana ah markii 1aad ee dad ku dhintaan laydhka shirkada Sompower oo ah dilaa qarsoon.
2. Biraha loo isticmaalay fidinta laydhka  oon iska xejin Karin dabaylaha roobka ama duqad ku dhacda sida hadii gaadhi jiidho, awal Sagbad ama Shub ayaa laga dhigi jiray lkn sompower Birro dhaadheer ayay taageen oo lagu xidhay dab High Power Voltage ah oo hadii birtaas dhacdo 100m2 uu dabkaas galaafan karo nolosha wixii usoo dhowaada dad, xayawaan iyo xoolaba.
3. Inta Xadhkaha laydhka qaadaa ay marayaan dusha sare ee Birta loo taagayo khasaaraha ka imanayaa wuxuu noqonayaa joogto, badbaadaduna waxay ku iman kartaa oo kaliya in xadhkaha dhulka hoos tiisa la mariyo, Taasna Sompower kama muuqato ee kaliya waxay ku mashquulsan tahay in Laydhka Kooto loogu xidho iyagoo waliba dariiq qaldan maraya oo qardajeexa oo kolba Wasiirka Tamarta dabada galinya. Dastuurka JSL wuxuu sheegayaa in Ganacsigu xor yahay oo lagu tartamayo.
Sidaas darteed khasaaraha ay shirkadan sababtay waa fashilkii iyo ceebtoodii oo dibada usoo baxday, malaha dab joogto ah oo sida loo joogo ayuu iska tagayaa mudo maqnaanayaa, malaha shaqaale u jajaban oo markiiba aad heli karto taasna waxa sabab u ah daryeel la,aanta iyo duruufta ku gadaaman shaqaalaha laydhka xidha oon helin haba yaraatee daryeel wanaagsan.  Bulshadu waxay iswaydiinaysaa halka ay ku danbaysay buunbuunintii lagu baahiyay baraha bulshada ee ay lahaayeen hadii la midoobo waxad helaysaan wax aad ku diirsataan, adeegii wanaagsanaa durba miyuu gudhay. Waxa muuqata in tayada laydhku ka wanaaganaa intii aanay ku midoobin ee shirkad walba gaarkeeda bulshada ugu adeegi jirtay. Waxaan ugu baaqayaa shirkadaha ku gacan saydhay inay ka mid noqdaan SOMPOWER inay halkooda joogaan oo bulshadooda u adeegaan, waayo sompower waa lagu hungoobay, waana KIISH loo samaystay in lagu boobo jeebka shacabka Caasimada Hargeysa, Kootada ay doonayaan ee ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen waa sidii shacabka loo xaalufin lahaa oo laydhka loogu cunaqabatayn lahaa marka ay waayaan cid kale oo u hiilisa ama ka rida heeryada sompower la wareegayso.
Badbaadada bulshadu kuma jirto Laydhka oo Kooto cid gaar ah loogu xidho, Shacabka Caasimadu haka foojignaadaan Mashruucaa la fool eryayo oo nolosha bulshada khatarta ku ah.
Qalinkii: Maxamed Aadan Nuur
Hargeisa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker