18 May Waa Go’aan Ay Gaadheen Beelaha Somaliland.

18 May Waa Go’aan Ay Gaadheen Beelaha Somaliland Inay La Soo Noqdaan Xoriyadoodii Godka Madoow Ku Dhacday, Kula Midoobeen Wadankii Talyaaniga Xoriyadda Ka Qaatay Ee Soomaaliya, Gooni Isu Taaga Ama La Soo Noqoshada Xoriyaddii Luntay 26 June 1960, Waxaa Loo Soo Maray Jabhad Hubaysan Oo La Yidhaahdo SNM Oo Ay U Dhamaayeen Beelaha Isaaq, Samaroon, Biyo Maal, Ciise, Gabooye, Hawiye, Daarood, Jareer, Carab, Gurgure, Gaadsan, Akishe, Gare, Digil Iyo Midhifle Ama Raxan Wayn, Jabhadda SNM 70% Waxaa Ugu Badnaa Beelaha Isaaqa, Wakhtigii La Soo Galay Magaalooyinka Burco Iyo Hargaysa 27 May ILaa 31 May 1988 Ciidamaddii Jabhadda Waxay Ka Koobnaayeen Beelahaas Faraha Badan, Yagoo Rag Fara Badan Oo Jabhadda SNM Ku Jiray Oo Qabiilooyinkoodu Kala Ahaa Majeerteen, Mareexaan, Ogaadeen, Laylkase, Dhulbahante, Warsangeli, Gurgure, Gaadsan, Akishe, Gare, Habar Gidir, Abgaal, Muruursade, Xawaadle, Gaal- Jecel, Biyo Maal, Ciise, Samaroon Iyo Gabooye Ay Ku Dhinteen Magaalooyinka Burco, Hargaysa, Arabsiyo, Gabiilay, Berbera, Caynaba,
 Gar-Adag, Ceel Afwayn Iyo Ceerigaabo.
Jabhadda SNM Waxay Ahayd Jabhaddii Ugu Balaadhnayd Qaaradda Afrika Ama Geeska Afrika, Halka Jabhadaha Kale Ay Yihiin Jabhado Ka Kooban Hogaamiyaha Reerkooda Ama Qabiilkooda, Jabhadda SNM Waxay Ahayd Jabhad Ay Kuwada Jiraan Beelaha Shanta Soomaalidu Ka Kooban Tahay.
Jabhadda SNM Waxay Ka Dagaalamaysay 18 Gobol Ee Soomaaliya Laysku Odhan Jiray, Waxaana Jabhadda SNM Ka Farcamay Jabhaddo Badan Sida Jabhaddii USC Ee Uu Hogaaminayey Geesigii Waynaa Ee Janaraal Muxammad Faarax Caydiid Allaah(Swt) Ha U Naxariisto, Jabhaddii SPM Ee Uu Hogaaminayey Geesigii Waynaa Kornayl Axmad Cumar Jees, Jabhaddii SSNM Ee Uu Hogaaminayey Geesigii Waynaa Kornayl Cabdi Warsame Isaaq Allaah(Swt) Ha U Naxariisto.
Shaqsiyaadka Liita Ee Ku Sheegaya SNM Beelaha Isaaq Ayaa Iska Leh Ama 18 May Ku Sheegaya Waa Maalin Madoow Ama Maalin Reer Leeyihiin Waa Nimaan Habeena Jirin, Oo Caqligiisu Siin Kari Waayay Taariikhda Jabhadda SNM Dib U Baadh Oo Raggii Goob Jooga Ahaa Ka Warayso, Ama Ragga Taariikhaha Uruuriya.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker