Maxamuud Cabdi Shide “Tuur” iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” Laba Nin Oo Isku ADEER Ah (Qaybtii 8aad) Maxamed Xoosh

“Ma lihi muxuu roobku u da,yaa oo waa qadar alle, Maxaase looga gaashaaman waayay waa GAABIS ka yimid xaga dawladda hoose”
Dalalka aan dhaqan u lahayn Dawladnimada casriga ah ee laga soo dheegtay dawladaha reer galbeedka waxaa ka qaloocma fahamka Siyaasadda iyo wax waloo la xidhiidha sida erayka MADAXNIMO
Macnaha Erayga Madaxnimo dhaqankeena : Waa Maamul awood buuxda u leh ku tagri-falka Ha,y adaha oo weliba siduu doono ka yeelo “Iyadoon Dastuur loo eegayn” haduu doono muwaadinka soo doortay ayuu xidhaa, waa dhaqanka ka jira dalalka mugdiga iyo aabahay goblan isku raacay !!!
Macnaha Erayga Madaxtinimo xaga Dawladaha reer Galbeedka: Waa SHAQAALE U ADEEGA BULSHADA “Public Servant” oo Dadweynuhu doorto oo Mushaharkiisa ka qaata cashuurta bulshada, Usoo jeeda raaxadooda ama lagu seexdo ogol in lala xisaabtamo
Ka soo qaad Caasimada Somaliland Berigii gumaysigu joogay waxay lahayd “Drainage”yo ama Jarar qaada biyaha roobka oo ku dara dooxa weyn ee hargeysa, Haa wey yarayd magaaladu waxayse lahayd KAABAYAAL DHAQAALE ku filan xiligaa waad garan karataan haynta bulshada iyo cashuurta soo xaroon karta weli weynu majeeranaynaa ilaa hadda “Gumaysigii ayaa waxqab dhaamay ayaad maqalaysaa” Maanta jararkaasi wey Oodanyihiin
Shirkadda laydhka oo iyanna iyadoo leh LAYDHKA ADUUNKA UGU QAALISAN xagay macaamiisha dhibtu ka soo gaadhay raaligalin iyo magdhaw bixin lahaayeen ayay leeyihiin LAYDH 24 SAACADOOD AH ayaanu bixinaa ama leenahay hada waa 2019 kii , Dawlada hoose inay la xisaabtanto ayay ahayd oo weliba lagu qasbo Tiirar iyo waayiro ilaaliya nabad gelyada macaamiisha oo dhan
Muj: Maxamuud Cabdi Shide AHN Tilmaamihiisa wax aka mid ahaa waxaa ku jirtay “Ruux Kacaan-yahan” aan ka nasan jidka dheer ee loo marayo guusha wuxuu ogaa in aynu marayno BAR-BILOW jidka la marayaana dheeryahay Alle ha u naxariistee Mujku nin wax badan garanaya ayuu ahaa
Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid : Waa shaqaale u adeega muwaadiniinta caasimada degan “alle ha fahamsiiyee” Talaabada wal oo uu qaado wuxuu u haystaa GUUL uu gaadhay, xaga ay ahayd in u qaato WAAJIB SAARAN oo aan loogu mahad naqin WAAYO shaqada ayuu ku mushahar qaataa !
Allaa Mahad Leh
Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker