Xil.Nac-Nac iyo Gud. Xinifow Hadaanu Nahay Reer Hebel Cadanyo iyo Xajiin Ma’aha sida Daliilkan Diimiga ah tibaaxayo Balse Waa furaha Xalka shacabka iyo Dawlada !! Dr.Khadar-Libaaxley

Mudane Gudoomiye waxa aan Maqlay in aad Siyaasada horteed mudo dheer aheyd macalin Quraan taasi oo sharaf iyo wax lagu qiimeeyaaba ay yartahay, balse nasiib darada weyn ee aan u baahneyn xataa Loox tuur waxa ay tahay in aad gaws-dambeedka dhigato Kitaabka Quraanka ah ugu yaraan inta ka hadleysa ( arimaha maamulka iyo Siyaasada bulshada ) mar hadiiba aad u soo shaqo badalatay iyada.
1.)Mudane Gudoomiye bal dib u milicso oo aad u bogo Qisada cajabta badan ( Daaluut iyo Jaaluut ) ee ku jirta Suratul Baqara Aayadaha 246—251 ; si kooban qisada saddex ayaa matalaya Shacab, Boqoro iyo Nabiyo intooduba ay isku hayb iyo isir yihiin dhamaantoodna Dan ummadeed iyo yool mudan ayey u halgamayeen, Boqorada waxa uu illaahay ku gal-ladey si ay hogaan u madeed u noqdaan ( Xikmad iyo Cilmi ) qof ahaan yoolkaygu ma’aha in aan ku idhaahdo ( Prof. Samatar iyo Prof . Galeydh waxa Boqoradu dadkooda la rabeen ayey iyaguna rabaan ) balse waa in aan ku dareensiiyo , fahamsiiyo kaliya Boqoradaasi illaahay Xikmada iyo Cilmiga siiyey sida ay Dadkooda ay isku haybta ahaayeen ugu Doodayeen, Dagaalamayeen ayey Xaq iyo Dastuur Diimiya u tahay in Beel kasta iyo Qoomiyad kasta Dadka inta Il-qabadka u ah ee ay u horeeyaan kuwa alle siiyey Cilmiga iyo Xikmadu ay ka hadlaan u Hadlaan , tilmaamaan, toosiyaan Baylahdooda iyo Danahooda si qabyooyinka Gobol iyo Deegaan walba oo Dalka ah yaala u baylah baxdo.
Gudoomiye marka Kitaabka Quraanka illaahay sidaa ina farayo isla in yar oo ka mid ah sid kitaabku ina farayo ay 2da aqoonyahan yara jileen in aad adigu ku tilmaanto iyaga ( in ay hada professor du soo gaadheen halkii odayada jaahiliinta Marayeen !! ) halkeed taagantahay adigu ? miyaan la odhan Karin isma-ogide!! waxa aad baahi-weyn u qabtaa in aad dib u soo daraaseyso duruusta Diimiga ah ee ay tahay nolosheena oo dhan in aan ku saleyno, iyo waliba in aad wax ka soo korodhsato inta suuban Duqeyda tidhaahda ( Hadaanu reer hebel nahay )?.

2) Sabankii Nabi Maxamed ( NNKH) ee Caasimada Dawlada islaamku aheyd Magaalada Madiina ee ay waliba ay bateen Dadweynaha Muslimiintu , waxa uu nabigu u hayeeyey dadweynihii muslimiinta ahaa sidii dhaqanka carabtu aheyd Beel –Beel , isla markaana Beel walba waxa uu u Sameeyey masuul uu kala xidhiidho oo afkooda ku hadasha oo xidhiidhisa beesha warkeeda iyo Nabigooda , Beesha reer yamen Qabiilka la yidhaa Ashcariyiin waxa Odey u ahaa asxaabigii weynaa ( abii Muuse Al-ashcariyi ) raggii cuslaa ee beeshiisa ayaa waxa ay fareen in uu tabashadooda Nabiga uga doono oo aheyd gaadiid ay ku gaadhaan dadka kale xilli loo diyaar garoobayey Dagaalkii TABUUK, gadaalna wey ka helleen dallab koodii.
Maanta Somaliland masuuliyiinta Xillalka haya ee Dawlada ku jira in ay afka Beelaha iyo Deegaanada ay ka soo jeedaan baylahda taalla Dawlada u sheegaan waxa uga dhuun daloola shakhsiyaadka aqoon yahanka ah oo aan badneyn iyo sulaadiinta iyo Cuqaasha aad ku maageyso tiraabta odhaneysa ( Hadaanu nahay Reer Hebel ) sidaa daraadeedna xajiin iyo cadanyo aan laga qaadin cid kasta oo dan ka hadal ah balse ay mudanyihiin in loo dhag raariciyo wixii gar iyo garowshiyo mudan.
3.) Sacad ibnu Mucaad waxa uu tabashada beeshiisa Ansaar ee Caasimada Madiina la wadaagayaa isaga oo ergayga beeshaasi ah ee u gudbisay Nabiga Maxamed (NNKH) warkooda, gaar ahaan Xilligii la qaybinaayey qaniimadii faraha badneyd ee muslimiintu kusoo furatay dagaalkii XUNEYN ; Qaniimadaasi Cida ugu badneyd ee loo qaybiyey waxa ay aheyd Qabiilka Qureysh halkaasi oo Ansaartii reer Madiina saluug iyo biyo diid ka muujiyeen sida Nabigu Wax u Qaybiyey , Sacad ibnu Mucaadna la wadaagey xogtaasi Nabiga, aad ugu fiirso gudoomiye Xinifow iyo Xildhibaan Nac-Nacow , Nabi Maxamed ( NNKH) waxa uu shir isugu yeedhay Ansaartii saami-qaybsiga Qaniimada Saluugtay waxa uu Nabigu ugu jawaabey ( Dadkan aan u badiyey Hantida ( Qureesh iyo carabti aan reer madiina aheyn ) waxa aan uga dan leeyahay in aan ku soo jiito qalbiyadooda madaama ay diinta ku cusub yihiin ; idinku Ansaarey miyey daan raali ku aheyn in aad hoy u noqotaan waa caasimada islaamka e illaahay rasuulkiisa noloshiida iyo dhimashadiisaba, dadka kalena iska qaataan hantida !!).

Gunaanad iyo Gabo-gabo:

Xildhibaan Nac-nacow iyo Gudoomiye Xinifow Caasimadii iyo Mucdii iyo Muhiimkii ay Dawladi la hayd intuba Beesha dhexe ma soo dhaafto, hadiiba 2da professor ay markii taariikhda u horeysay ka hadleen si sar-ka xaadis ah baylahda iyo qabyada taalla guryahooda adeer ma dayrkii maka ayey gubeen ? Gaf iyo meel ka dhac ayey tahay sida aad hadalka u dhigteen; ma’aha wax qabta aqoonyahanadan ranjiga aad mar-marinaysaan.
Gudoomiye Xinifse waxa aan fillayaa in ay ku kaliftay hadalka nuucan ah in uu yidhaahdo Xinif waxa uu baqdin buuxda ka qabaa in professor Samatar Xisbiga Kulmiye iska dhex sharaxo oo uu waliba ka badiyo Cida uu Xinif wax la doonayo ee aan dareensanahay adiga iyo aniguba, waxase aan qabaa in uu hadalkaasi ahaa mid shadaadiinta yar-yar ee aan la xidhin ka yeedhsiisay isaga iyo xildhibaankaba.
Ramadaan kariim dhamaantiin iyo saamax Buuxa insha’allaah.
Fiiro gaara:
Qormadani ma’aha jawaab Beelaysan Balse waa sixid iyo toosin qayb ka ah kor u qaadida fahamka saxda ah iyo dhismaha ummadda Somaliland.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts
Ahna isbedel Doonka Siyaasada Dalka

5/14/2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker