Xus Loo Sameeyey Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Hotel DusitD2, Nairobi

Waxaa maanta  lagu qabtay dalka Kiiniya xus iyo baroordiiq loo sameeyey qaar kamid ah dadkii ku dhintay weerarkii todobaadkii hore ka dhacay Hotel DusitD2 oo ay weerareen kooxda Al Shabaab.

Labo kamid ah marxuumiinta u dhalatay Soomaalida Kenya oo weerarkaasi ku dhintay ayaa iyagu horey loo aasay maalin kadib weerarkii 15kii Janaayo ka dhacay xaafada Westlands ee magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen 21 qof.

Dadka maanta loo qabtay xuska ayaa waxaa kamid ah lix qof oo dhamaantood ka tirsanaa shaqaalaha shirkada Cellulant  oo ay xarunteeda ku taalay goobta weerarka ka dhacay.

Dhinaca kale waxaa weli socda baaritaanka lagu wado kooxda falkan argagaxiso ka danbeysay, waxaana illaa iyo hada xabsiga la dhigay 11 qof oo la tuhunsan yahay oo intooda badan heysta dhalashada Kenya.

Shan kamid ah dadkaasi la qabtay oo afar heysato dhalashada Kenya iyo qof heysta dhalashada Canada ayaa illaa iyo hada maxkamada lasoo hortaagay waxayna maxkamada Nairobi ku amartay in xabsiga lagu sii hayo 30 maalmood inta baaritaanka socdo.

Mahir Khalid Riziki

Mombasa
Booliiska ayaa hawlgalo ay ka sameeyeen magaalada labaad ee Mombasa kusoo qab qabtay dad ay qaraabo yihiin ninkii isku dhex qarxiyey nawaaxiga makhaayada ku taalay goobta weerarka ka dhacay kaasi oo magaciisa lagu sheegay Mahir Khalid Riziki oo ahaa 25 sano jir ku dhashay Mombasa.

Dadka la qabtay ayaa waxaa kamid ah xaaska ninkaasi isqarxiyey oo noqonaya kii ugu horeeyey oo fal noocaas ah dalka Kenya ka geysta. Waxaa la sheegay in sanadihii lasoo dhaafay ninkaasi ay raadinayeen booliiska balse uu u baxsaday dalka Tanzania kadibna tababar u aaday dalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker