Askari Ku Geeriyooday Gacanta Dadweyne Gadooday Gobolka Togdheer

Wararka ka imanaya Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Hal Askari ku dhintay Iska hor-imaad deegaanka Fiqi Ayuub ee Gobolkaasi ku dhex maray Dad Shacab ah iyo Ciidammada  Booliska. Dad Shacab  ah oo Gadoodsan ayay isku dhaceen Ciidammada Amniga, laakiin Dhagax ay Shacabku ku tuureen Ciidammada oo doonayey inay kala dareeriyaan ayaa sababay Geerida Hal Askari, sida Wararka Hor-dhaca ahi sheegayaan.

 

illaa hadda lama oga waxay Shacabku ka gadoodeen, balse waxa maalmihii u dambeeyay halkaa ka socday dhaqdhaqaaqyo Macdan lagaga baadhayo dhulkaasi, taasi oo loo malaynayo inay tahay ta Shacabku ka gadooday.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker