TACSI KA TIMID AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE AXMED CARWO EE GEERIDA MADAXWEYNIHII HORE EE GALMUDUD MUDANE MAXAMED WARSAME KIIMIKO

Innaa Lillaah wa inaa illeyhi raajacuun. Waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa ehel, asxaab, xigto xigaal iyo qoyskii Madaxweynihii hore iyo aasaasihii Maamul Goboleedka Galmudug Marxuum Maxamed Warsame Cali (Kiimiko) oo doraad lagu aasay Galmudug. Marxuum Maxamed waxuu ahaa ruug caddaa muddo dheer ku jiray siyaasadda Soomaalida xilal muhiim ahna ka qabtay. Waxaan la iloobayn kaalintii uu ku lahaa halgankii lala galay taliskii keliteliska ahaa ee Siyaad Barre,

Waxaa xusid gaar ah mudan inuu noqday Guddoomiye Xigeenka ururkii SNM, isagoo kaalin mug iyo magac leh ku lahaa hogaaminta SNM
Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagayaa qoyskii, ehelkii iyo asxaabtii, ururkii SNM iyo gaar ahaan bulshoweynta Galmudug ee uu Madaxweyne iyo aasaaase u ahaa, Alle heyna waafajiyo samir iyo duco.
Alle ha u naxariisto Marxuum, mujaahid Maxamed Warsame Cali, qabriga ha u nuuro, hana uga dhigo beer ka mid ah fardawsta sare. Ehel iyo asxaabna ha waafajiyo samir iyo duco. AAMIIN.
Axmed Xasan Carwo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker