Caafimaadka iyo caadoyinka aan wanaagsanayn ee bulshadeenu isu daranaa!!

marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda kala duwan inta isdultaagta mabaa,diideeda kuna dhaqanta,waxaan kaloo salaamyaa dhamaan akhristayaasha sharaftale.
caafimaadku waa shay qaaliya  waana nicmooyinka waawayn ee ilaahay marwalba la waydiisto,caafimaad qof waaya uun baa ogaan kara qiimaha uu leeyahay.
ducooyinkii rasuulkeena moxamed (csw) uu ina faray inaynu had iyo jeer ku ducaysano ayaa ah(allaahuma inii asaluka alcafwa wal caafiya),,,dhinaca kale waxaad ka dheehankartaa xadiiska rasuulka (csw) ee mashhuurka ah..macnihiisuna yahay ( xubin kamida jadhkaagu hadii dhib ama xanuun noocuu doonaba iyo intuu doonaba ha ahaadee in jidhkaaga inta kalena lawadaagayso xanuunkaa lana sahrayso.)
qormadani waa tii afraad ee aan ku indha indhaynayey dhinaca caafimaadka iyo bulshada somaliland ,qaybtii 3xaad waxaan ku soo qaatay xanuunka kaadi macaanka iyo sida uu uga muuqdo bulshada dhexdeeda miyi ilaa magaalo mujtamacuna aanu weli helin wacyi gelin ku saabsan cudurkaa iyo kuwa kaloo badanba,waxaan kaloo soo tilmaamay in dhinaca adeega caafimaadku aad u liito inkastoo dedaalo badani jiraan hadana magaadhin mustawihii loo baahnaa.
maanta waxaan xoogaa yar wax ka odhanayaa dhaqanka iyo cadooyinka inoo gaarkaa hadaynunahay bulshada somaliland ama inta afka somaliga ku hadashaba ee aan wanaagsanayn caafimaad daradana qayb ka qaadankara mujtamaca cuduro badana dhalinkara ama faafinkara.
intaanan dhowr shay ka soo qaadan dhaqankaa iyo caadooyinkaa waxaynu ogsoonahay mujtamac walba ama umad waloo ilaahay meel ku beeray inay dhaqan gaara leedahay bi,iadaa ay ku noolyihiina ay ka qayb qaadato habdhaqankooda ama( lifesyle kooda).
waxaad garan kartaa in cimilada,biyaha( yaraantooda iyo badnaantooda),hawada,dhulka lagu tilmaamo saxraaga iyo kuwa kaymaha,intaa iyo canaasir kaloo fara badaniba waxay la falgalaan sida ay bulshadaasi hab dhaqan iyo life style u gaara yeelankarto,caafimaadka iyo caafimaad daraduna waa uun mid qayb ka ah silsiladaa nolosha bini aadamka iyo biiadaa uu ku noolyahay.
hadaba hadaan ku soo dhawaado ujeedadayda umada somalidu si caama waxaynu nahay bulsho xoolo dhaqataa oo reer guuraaya oo hadba meesha ay daaq ku aragto u guurta intaynaan baran waxa la yaaho ( tamadunka ) ama magaalooyinka ,bulshadaasi waxay ahayd bulsho xarako badan oo socod badanmadaama oo ay xolo uun daba joogto iyo sidii ay u manaafacaadsanlahayd ,sidaa darteed xanuunadan ay soo sheegnay way inagu yaraayeen haday noqoto kaadi macaanka,dhiig karka,gaastiriga ama xanuunada caloosha raashinka la quutaana waxa ahaa uun kaa xoolaha (caano iyo hilib) waxaa soo raacaa waa intii yarayd ee markaa beeralayda ahayd oo hadhuudh ama galay ku darta,bulshadeena markaa waxaa la arki jirya cimriga ama da,dooda oo dheeraata(inkastoo ay uun tahay ta ilaahay marwalba).
maanta oo nolosheenii oo dhami is bedeshay oo aynu magaalooyinkii soo galnay miyina laga yimi waxaa dhacday in habdhaqankii nolosheenuna is bedelay,hadaba suaashu waxaa weeye :
*** mala qabsanay oo mala jaan qaadnay noloshan cusub ???? raashinkii la cunayaa is bedelay kii aynu xoolaheena kala soo bixi jirnay oo yaraaday ama xoolihii iyo beerihii oo laga shaqayn waayey,cimiladeenii baa is bedeshay,hadhaaagii ka soo baxayey waxaynu isticmaalayno oodhan  baa inagu batay,dhaqdhaqaaqeenii iyo xarakadiibaa inagu yaraatay,taa markaa waxaa dhinac socda xanuunadii oo inagu soo badanaya iyo bulshadii oo noqotay bukaan socod.
hadaba bal akhristow ila eega caadooyinkan iyo dhaqankan qayb ka noqon kara caafimaad darada maanta aan ka hadlayo::
1-waxaa layaaho jimicsiga oo aynaan fikradba ka haysan oo bulshadeena qaar ay kaba xishoodaanba inay u baxaan jimicsi debeda oo wadooyinka ama guriga dayrkiisaba ku soo yara wareegaan ,akhristow 24 saacadood ee maalinta bulshadeenu 8 saaco ugu yaraan waa hurdo,16hrs ee kale waxaa laga yaabaa inuu fadhi ku dhamaysto oo ama meel ka sheekeeyo ama qaad u fadhiyo,udhaahda odhanaysa( alcaqlul saliim fii jismi saliim) waa odhaahdhab maanta halka ay umadeenu fadhiidka ka noqotay ee ay haba yaraatee la yeelan wayday wax creationa ama ibdaaci waa halkaa waayo jidhkii baan caafimaad qabin oo xanuun la tiicaya.
bulshadu markaa waxay u baahantahay inay dhaqankaa xaraka la,aanta waxka bedesho oo fadhiga yarayso,khaasatan dhalinyarada wadanka waxaan u sheegilahaa ha sugina uun in laydiin qabto tartamo iyo ciyaaro waa inaad idinku is dirtaan oo jimicsiga badasinaan,xukuumada waxaan u soo jeedinlahaa in la abuuro meelo open air oo lagu jimicsado oo da,weliba ku qaadato jimicsi,haday park noqoto haday garoomo noqoto,waxyaalaha aan soo arkay ee i farxad geliyey waxaa ka mida meelaha xasriga ee jimicsiga lagu sameeyo ee loo yaqaano(JIMKA).kuwaas oo runtii dhiiri gelinkara qof walba inuu tago oo ku jimicsado rag iyo dumarba madaama oo ay meelo xidhantahay oo qaybsan.
2- Qaadku waa aafada maanta inoogu daran ee  mujtamaceena ku haysa dhib aad u farabadan tan aynu ka hadlaynaana ka tahay kow ,ee caafimaad darada marka laga yimaado dhibaha kale ee faraha badan ee uu inoo gaysto,xag dhaqaale,xag dhaqan,caafimaaddaradu howdaraatee.
waxaynu ka soo sheekaynay jimicsila,aanta iyo fadhiga farahabadan ee bulshadeena waxaynu wada ogsoonahay inuu number 1 ka yahay waxyaalaha fadhiga farahabadan inoogu wacan,dhinaca kale fikradaha qaldan ee bulshadu ama inta cuntaa iska dhaadhicisay sida sonkortuu dejaa ama kaadi macaankuu ka dawoyahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!,totaly waa fikrad aad u khaldan maaha wax waloo qadhaadh dhadhamaa inay dawo ka yihiin kaadimacaan ama sonkorta jidhka yareeyaan,qaad cunow ila eeg qaadka waxaad ku kabanaysaa shaah macaan dhaafa,ama aafadan iminka laynoo soo waariday waa (pepsiga ama cocolaha) ee guryaheenii laynoogu keenay 100% waa sonkor khaalisa.qaadcunow bal intaanad u fadhiisan qaadka shaybaadh soo mar oo sonkortaada soo qiyaas,hadhow markaad ka kacdana is eeg ama dib isu baadh markaas baad ogaankartaa inuu qaadku kiciyo sonkorta iyo inuu dejiyo??????!!!!!!!
3-Bulshadeenu ma cabto ama ma badsato biyaha oo inta jidhku u baahanyahay maalintii kama qaadato,waa umad is haraadisa ilaa ay biyo u baahatana aan cabinba markaana shaah cabta kaas oo aan u dhigmin habayaraatee koob biya oo aad cabto,waa ddhaqan u baahan in wax laga bidelo cabitaanka biyuhuna waxay qayb ka qaataan caafimaadka khaasatan safaynta dhiiga ,out put kaaga ( kaadida) oo bata wixii suna ee aan jidhku u baahnayna debeda soo dhiga ,waxaad ila aragtaa akhristow sida ay kelyo xanuunku ugu soo badanayaan wadanka oo noqday xanuunada sida kediska qofku ugu dhinto sababtunatahay qofkoon isba ogayn inuu kelyo xanuun leeyahay.
4-Booqashada dhakhtarada markaad xanuun dareento ama baadhitaan dowriya oo 3 dii bilood ama 6 dii biloodba aad mar si caama isu baadho waa wax yaabaha aynaan dhaqankaba ulahayn ,mararka qaarkood waabaynu ka xishoonaa oo ceeb baynu u naqaanaa !!!!!!! bal hada eeg akhristow bulshadeenu ilaa xanuunku soo rito oo uu dhulka dhigo isma dawayso,waxaa qofka lala soo cararaa marka ay ka dhantahay!! bal odhaahahan u fiirso ,xanuun yaroo iska khafiifaa ihaya(cajiib iyagaaba is daignoosgareeya) waan iska ladnaanayaa!!,sidii hebelbaa layhayaayoo waan iska ladnaan isba waakii ladnaadee!!!!bal mudaan sugi sidaan noqdo!!!!
5-Dawooyinka (Drugs) waxaan shaki ku jirin in ay dhibta ay inagu hayaan dawooyinku ay ka badantahay faaiidada maanta aynu ka helo khaasatan kuwa wadanka lakeenu( waa ganacsato bilaa naxariisa,isaga iyo ka raashinka dhacay  bulshada ka iibinayaa waa isku mid) waa laba dilaa waxaanay soo gelayaan khaanada criminalka,bulshadeenu hadaba bal eeg siday dawooyinkan markii horeba fartu ku godnayd bulshadeenu u isticmaasho, bal eeg odhaahdan akhristow bulshadeena(hebelbaa dawadan isiiyoo sida layhayo loohayey oo ku bogsaday bal ana waan isku dayayaa)!!!!!!!!,iskadaa yaga qolyaha sida supermarkatka odhanaya hebelow taa ii dhiib tana keen( dukaan miyey ka duwanyihiin,kii haystay pharmciguna aanu odhanaynba prescription mee).xanuunada maanta badiba mujtamaceenu la tiicayo waxaa qayb wayn ka qaata dawooyin si khaldan ama aan loo soo marin dariiqa saxda loo qaatay oo bukaan loo siiyey .
6-Waxyaalaha cudurada faafaa inoogu badanyihiin sida(TB) waxaa ka mida ee ka qayb qaata in walax keliya waxlagu wada wadaago sida koobka khaasatan meelaha caamkaa ee wax laga cuno kuwaas oo aan helin nadaafad wacan weliba,bal hada ila eeg akhristow waxaad arkaysaa foosto biyo ku jiraan oo koob dulsaaranyahay qof walibana darsanayo koobkaa hanbadana ku celinaya !!!!!!!!! waa dhaqan aad u xun oo aan wanaagsanayn waana wacyi la,aanta mujtamaceena..
7-Raashinka aynu maanta cunaa waa mid debeda laynooga soo waarido ,wakhtigii hore waxaynu ku noolayn xoolaheena waxaynu kala soo baxno caano ,subag iyo hilib,taasi waxaad moodaa inay yaraatay oo meesha ka baxday ,waxaa marka hore xasuus mudan in cunista hilibka faraha badani uu dhibtiisa leeyahay khaasatan hilibka cas kuwa lagu tilmaamo,maanta se waxaa ina soo galay kuwo ka khatarsan intaaba waa bariiska faraha badfan ee aynu cuno iyo wixii lamida sida daqiiqda kuwaas oo si qayrul xada loo isticmaalo miyi iyo magaalaba,intaaba se waxaan soo arkay oo khatarteedale (SALIIDALAGU KEENO JIRIKAANADA YELLOWGA )..saliidahaas oo aan la garanaynin ama aan bulshaduba is waydiin halka laga keeno waxa laga sameeyo!!!!!!??? yadoo loo isticmaalo si qayrul xada oo ay halkii subaga gashay bal laxooxda lagu darsado,,,waxaan leeyahay waa WARNING!!!! saliidaa hala ogaado oo halaga feejignaado.

Guntii iyo gabagabadii waxaan ku soo koobayaa bulshadeenu waxay u baahantahay in laga wacyi geliyo dhaqanadan iyo caadooyinkan aan wanaagsanayn,kuwa aynu dhaqanka u leenahay iyo inta wanaagsan ee aynaan ku dhaqminba in si balaadhan looga wacyi geliyo,waxaanan umada u sheegayaa runtii in xaalada caafimaad ee bulshadenu ay halis ku jirto hadaan waxyaala badan laga qaban sidaan sheegay waa bukaan socod intooda badani,waxaa loo baahanyahay adeeg caafimaad oo sare iyo life stylekeena oo wax badan laga bedelo maadaama oo nolol casriya lagalay inlala jaanqaado.waxaan ku soo gabagabaynayaa odhaahdaan( PREVENTION BETTER THAN CURE)…
allaa mahadlle…..
abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
Dubai
00971506972985.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker