Dooni Dad Badan Siday Oo Ku Degtay Dalka Indonesia

Dowlada Indonesia ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay inay weli socdaan dadaalka lagu baadi goobayo dadkii saarnaa dooni Isniintii ku degtay biyaha gobalka Sumatra.

Doonidan oo la sheegay inay ka sameysneyd alwaax ayaa la rumeysan yahay inay saarnaayeen in ka badan 166 qof oo illaa iyo hada la la’a yahay.

Mas’uuliyiinta dowlada u hadlay ayaa sheegay in doonidan aysan ahayn mid diiwaangashan, taasi oo keenaysan inaan xog rasmi ah laga heyn tirada dadka saarnaa, tirada la shaaciyey ayey dowlada sheegtay inay kasoo xigatay ehelada dadkooda raadinaya.

Maaha markii ugu horeysay oo shil noocaan ah ka dhaco dalkaasi Indonesia oo ka kooban 17kun oo jasiiradood halkaasi oo ay ka shaqeeyaan doonyo badan oo qaarkood aan u diiwaangashneyn dowlada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker