QISADDA HEESTA DAALLO. Ereyada:- AHU Abwaan Cabdiqaadir Xirsi Yiyaad “Yam Yam” Codka :- Cabdala Yuusuf Hanuuniye.

Heestan waxa laga sameeyey qiso dhab ah waxaana sameeyey AHU Abwaan Cabdiqaadir Siyaad Xirsi Yam Yam, isaga oo ka sheekaynaaya qisada uu Heestan ku kaliftay inuu sameeyo waxa uu yidhi isaga oo ka sheekaynaaya mar waraysi lagaga qaaday Hargeisa :-

Sanadku markuu ahaa 1979-kii aniga oo fadhiya Xafiiskayga Akedemiyada Cilmiga Iyo Suugaanta, waxa ii yimi fanaan Salaad Maxamed Shardi “Salaad Derbi” oo ka tirsanaa Kooxdii Waaberi, Salaan ka bacdi waxa uu igu yidhi waxaan rabaa inaad ii raacdo nin xanuusanaaya oo rafanaaya naftuna ay ka baxayso xaaladiisa aan soo eegno.

Waan isasoo raacnay waxaanu u nimi nin xafiis fadhiya meel Baabuurta lagu kireeyo,Ninka magaciisia waxa la yidhaahdaa Cismaan Guumiye Fagaas. Ninkaasi markaa waxa uu ku sugan yahay xaalad murugo leh, waa ooyayaa ilmada iyo duufka ayuu isku darayaa kolba waraaq ayuu soo qabsanayaa wuxuu iskaga tir tirayaa ilmada , waxaana uu leeyahay “tol beelay ee ii hiiliya, ii hiiliya jacayl ayaa I hayee”!.

Ninkii waanu is raacnay meel ayaanu wada fadhiisanay, waxaannu ku nidhi bal noo waran oo side Jacaylku kuu helay se yuu Jacaylku kuu hayaa?! Waxaanna uu nooga sheekeeyay Jacaylkiisa waxaanna uu yidhi; waxaan jeclahay Inan Aamina la yidhaah waxaana ay dhigataa Lafoole, waxaanu haasaawaynay muddo Laba Sano iyo waxoogaa ah kuna dhaw Saddex Sano, waxaannu ku Heshiinay inaan guursado, Aabeheed waxaan geeyey Xajka iyaddana Baabuur Ayaan u iibiyay, wax walba waan dhameeyey macaal waan dhisay Aqalkaan ku aroosi lahaa kuna noolaan lahayn, balantayaduna waxay ahayd inaan noqono qoys qurxoon. Mar kaliya ayay Aamini soo istaagtay kuma rabo Guur iyo Aroosna maaha mida kula galaysa ee candhuuftaada dib u liq bilaa!!!!.

Waxaan galay marxalada waali ah waxaanan ku fikiray inaan is dilo iyadana aan dilo gacantaydana waxa ku jirta Baastoolad maalintaas, mudo gaaban markaan marxaladaa aan miyir qabka ahayn aan ku sugnaa ayay dadkii iga ag dhawaa igula taliyeen in arinkayga Suugaan wax lagaga qaban karo, waxaanan go’aansaday inaan Suugaan yahanada taakulo waydiisto, waanigan idinka idinsoo raadsaday, ee arinkaygan wax ka qabta. Cismaan Suugaanta ma dhagaysto oo nin ay waxaasi u duubanyiin maaha, gabadhaa wax ha laygala qabto ayuu kusoo koobay hadalkiisii.

Isla maalintaas waxa uu Abwaan AHU Yam Yam uu u tiriyay hees la yidhaahdo (Samirkii Ayuub-ley) oo uu kaga waramaayo Jacaylka haya ninkan iyo marxaladiisa, in kasta oo aanay heestaasi waxba ka bedelin Aamina markii ay gaadhay. Kabacdina waxaaku xigtay Heesta Daallo, Cismaan waxaan ku idhi Heesta markaad Aamina farta laga saaro magaalada ka bax, Magaaladii ayuu ka baxay wuxuu aaday Talyaaniga, Todoba cisho markii ay inantii heestii dhagaysanaysay ayay xafiiskiisi Cismaan timi iyadoo raadinaysa, nasiib daro way ka wayday, dadkii joogayna waxay u sheegeen inanay garanayn meel uu joogo, waxa ay ka codsatay in loo raadiyo Telefoonkiisii. Waa loo raadiyay waana ay heshay telefoon numberkiisi.

Markay numberkiisi heshay way wacday/la hadashay markuu ka qabtay iyadoon waxkale is odhan ayay ku tidhi :- waa Aamina ee hadaad taagantahay soo dhaqaaq, hadaad fadhidona soo istaag. Waa u yimi waanay is heleen hawlahoodina isla markiiba waa dhamaysteen oo waxa meherkoodi ka dhacay meel Cagaaran la yidhaahdo oo Marka agteeda ah, halkaasayna kusoo dhamaysteen.

Waxa Cismaan Iyo Aamini ku heshiiyeen in marka ay Aamina Lafoole dhamayso in ay aqal geli doonaan Heestanna in Suuqa laga saaro, Maadaama hada ay ugu hadal hayn badantahay qiimo sarena suuqyada lagu kala iibsanaayo canjaladaha ay ku duubantahay Heestani, Qisadeedana laga wada dheregsanyahay. Cismaan Abwaankii wuxuu ka codsaday in heesta suuqa laga saaro taasina ma suuro galin oo hees baxday lama suuqa lagama saari karo meel loogu hagaagona lama lama garanaayo . Heestiina sidaas ayay suuqa ku gashay laakin ismay calfan Cismaan Iyo Aamina, waxay ku kala noqdeen meherkii.

Waxa kale oo uu Cabdiqaadir Xirsi Yiyaad “Yam Yam” sheegay in Heestaa darted ay gabadh hore oo uu qabay ninkan uu u sameeyey ee Cismaan ina ay Baastoolad madaxa kaga qabatay iyada oo ku eedaynaysa in uu ninkeedi gabadh kale uu jeclaysiiyey heestaa darteedna ay gabadha kale ku jeclaatay. Mudona way u qabatay intaan mudadii la gaadhinba way kala tageen Cismaan Iyo Aamini.

Midhaha Heestuna Waakuwa:-

Dur dur iyo xareedey

doog iyo ugbaadeey

dalaalimad cadarkiyo

dhibciyo daruureey,,

Ubax darayo musoo

waabari hilacaay

mankoy maanka darariyo

daalo aragtidedaay,,

Dayixiyo xidigahoo

nuurka isku daray iyo

dusha roob la dhaca iyo

daa uus la moodyeey,

Diirimaadka laabtiyo

dawadii naftaydaay

taan hablaha ka doortee

dareenkayga siiyaay

xubno dabacsan leeyeey,,

Nabi yuusuf dabadii

tii dumarka quruxda leh

haldoorkooda noqotaay,,

Danbar iyo labeen iyo

dahab midabki leeyeey

xuralcayntii dunidee

dawashada u timidee

Dalka lagu manaystaay,,

Haduu diido calafkeeno

Aqal laba daryaaliyo

aan xariir ku daahniyo

inaan dadab wadaagno

wakhtigu ina kal diro,,

\”Alla deeqda bixiye

ana kuma dudayee

naxariis da’ wayn iyo

ducaan kugu gabootiyey\”

Ninka damac u racee

dookhu calanka saarte

guur aad ka doontee

kugu gacan danbeeyana

aan dardaaran siyee!!

Waa libin dadnimaduye

Aamina kan doortoow

Daji meel barwaaqa ah

diIhaalka gaajiyo

dibin daabyo yaay arag

Daranyadu ma fiicnee

yay ka noqon maryuhu dug

ha u yaalo dahabkuna

daris aan haboonayn

yay dareemin qayladii

Dibada iyo gudahaba

meelaha la daawado

ee dalxiiska loo tago

ha il doogsatee gee

Dusha nabar ha taabsin

ha dagaalin waa gob’e

hadal doqon ma garata

ha ku dayin ma yeshe

Waxa dihatay Hoyadii

dadnimada ku beerto

Aabaheedna waa diric

Ragna doorki weyee

waa Duriyad xalaale

walidkeedna daadihi

Waxaa jira nin dooro

Dantu ceeb u yeeshee

waxaa aamina u daraan

hadii waayo diidaan,,

Soodoono waa gare waa gare

Aana kuu diyaaro

Daryeelkeedu dheer yahay

Xilaa duudka saaree,,,,

Dowlka nolosha aamina

Dayac noqotoo waa qaan

Waana kula dacwinaya.

Ugu dambayntii waxaan qoraalkaygan kusoo koobayaa, way yaryihiin badiba Abwaanada Soomaaliiyeed ee usii duceeyey lanasii dardaarmay inantuu jeclaa oo ka tagtay. Sida hada uu Abwaanku u qaabeeyey Heestan aan sare ku xusnay.

Dawlad Yusuf Maxamed

Email: Dowlad2009@gmail.com

Tell:- 063 4417917- 4444096

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker