Pro Cabdi Wahaab Sh Cabdisamed oo laga Afduubtay Gudaha Kenya

Qoyska Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamed oo la hadlay qaar ka mid warbaahinta Kenya ayaa sheegay in ay la’yihiin oo ay raadinayaan halka uu ku sugan yahay, ka diib markii laga qafaashay badhtamaha Nairobi.

Dr. Cabdiwahaab wuxuu ahaa falanqeeye ka faallooda arrimaha Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Wuxuuna ahaa bare jaamacadeed.

Cabdiwahaab ayaa lagu soo warramayaa in dad aan la garanayn ay ku riteen gaadhi, xilli uu marayay waddada Turbman ee ku xigta City Market, ee Badhtamaha Caasimadda Kenya. Gaadhigaas ayaa si xawaare ah u dhaqaaqay markii ay raggii watay ay gudaha ku riteen Dr. Cabdiwahaab.

Qoyskiisa ayaa sheegay in ay aad ugu walaacsan yihiin, Mudane Cabdiwahaab oo ah aqoonyahan cilmi durugsan u leh arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Wararku waxay sheegayaan in ay “afduubteen” rag dhar-cad ah oo afar qof ahaa iyo dareewalkii gaadhiga u waday raggaas.

“Waxaan tagnay Saldhigga Dhexe ee Booliiska, annaga iyo askarta waxaan tagnay goobta laga qaaday, illaa iyo hadda wax war ah kama hayno halka la geeyay,” ayay walaashiis u sheegtay TV-ga Citizen.Xaaskiisa, Xaliimo Maxamed ayaa Cabdiwahaab ku tilmaantay nin aan lahayn cadow la yaqaan oo raadsanayay, kuwaas oo si uun xidhiidh ula yeelan lahaaa waayitaankiisa.

Sida lagu baahiyey qoraalka warqad caddaynaysa waayitaankiisa oo baafin ah, waxaa lagu qoray ‘in afar nin ay si qasaba gaadhi ugu rideen, halka mid shanaadna uu ku sugayay gaadhigaas gudihiisa”.

Waxaana warqaddaas lagu sii baahiyey in sida oo kale qoyska ay xogta geeyeen saldhigga boolis Akila ee Nairobi.

Dad badan ayaabaraha bulshada isku weydiinaya halka uu ku danbeeyey, iyaga oo dhanka kalena baafinaya Dr. Cabdiwahaab.
Cabdiwahaab ayaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah machadyada cilmibaadhista ee ka dhisan Geeska Afrika, isaga oo sida oo kalena warbaahinta ugu caansan Kenya wax ku qori jirey.

Wuxuu sidoo kale ahaa falanqeeye siyaasadeed oo arrimaha Soomaaliya ah.

Tan iyo intaas Cabdiwahaab oo si weyn looga dhex arki jirey bogga baraha bulshada sida Twitter-ka, ayaan tan iyo maalintaa la sheegay in la waayey an waxba lagu soo qorin boggiisii.

Waxaana u danbaysay qoraal kooban oo uu kaga hadlayey aragtidiisa ku aaddan xaalka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya iyo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wuxuu ahaa nin si wayn u taageera dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna dhaliilaa dadka mucaaradka ku ah.

Mid ka mid ah farriimihii ugu dambeeyay ee uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker