Imaaraadka oo dacwad ka gudbiyey Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dubai

Hargeysa (OWN) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dacwad ka dhan wakiilkii hore ee Somaliland, Xasan Hirad Yaasiin Cabsiiye u gudbisay Xukuumada Somaliland ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

 

 

Dawlada Imaaraadka ayaa si weyn uga cadhootay qoraal uu Xasan Cabsiiye ku baahiyey bartiisa twitter-ka, kaasi oo ku dhaliilayey deeqaha ay dowladda Imaaraadku geyso Gudaha  Somaliland.

 

Xasan Cabsiiye ayaa qoraalkiisa eedeyn ugu jeediyey madaxda dalka Imaaraadka Carabta, maadama uu sheegay inaysan fulin balan-qaadyo ay hore ugu sameeyeen Somaliland.

 

 

Isagoona si gaar ah u xusay in Imaaraadku uusan fulin balan-qaad uu ku sheegay inay ku dhisayeen Isbitaal weyn oo ay yeelato magaalada Berbera, halka ay Malaayiin doolar ku bixiyeen mid gaar ay u leeyihiin, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Sidoo kale waxa uu Xasan Cabsiiye si weyn uga horyimid barnaamij mucaawino ahaa oo uu dhawaan Nin u dhashay Imaaraadku uu ka fuliyay gudaha Somaliland, kaasi oo dhaqaale lagu siiyey qoysas baahan oo ku sugnaa magaalada Hargeysa.

 

 

Wuxuuna ku sheegay barnaamijkaasi mid musuq-maasuq ahaa, isagoona ku tilmaamay mid been abuur ah oo lagu indho sarcaadayey bulshada.

 

 

Dowladda Imaaraadka ayaa ka gubatay eedeymaha uu wakiilkaasi hore u jeediyay, iyada oo Madaxda sare ee Somaliland wax kasoo weydiisay inay arrinkaasi kala socdaan wakiilkoodii hore.

 

 

Imaaraadka ayaa Somaliland ka dalbay inay cadeeyaan inaysan wax lug ah ku laheyn eedeymaha uu baraha bulshada ku baahiyay Xasan Cabsiiye oo Madaxweynaha Somaliland uu xilkaasi ka cayriyay bishii March ee sanadkii hore ee 2019-ka.

 

 

Xasan Cabsiiye oo isagana wax laga weydiiyay arrinkaasi, ayaa sheegay inuu la kulmay hanjabaado kala duwan oo uga imaanaya shaqsiyaad uu sheegay inuu aqoonsan waayey, balse uu la xidhiidhiyey dowlada Imaaraadka oo iyadu si weyn uga carootay eedeymihiisa.

 

 

Wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland, ayaa qoraal ay iskaga fogeynayso eedeymaha wakiilkeedii hore u dirtay dowladda Imaaraadka, iyadoona ka raali-gelisay arrinkaasi, sida ay ilo xogagaal ahi u xaqiijiyeen Oodwaynemedia .

 

 

Sida ay ogaatay Oodwaynemedia , xiisada ka dhex oogan dowladda Imaaraadka iyo Xasan Cabsiiye ayaa ka horeysay eedeymaha uu ku baahiyay bartiisa twitterka, iyadoo la rumeysan yahay intuu xilka hayey inuusan la dhacsaneyn dhaq-dhaqaaqyada Imaaraadka ee gudaha
Somaliland.

 

 

Xasan Cabsiiye ayaa xilkii uu hore ugu hayey dowladda Somaliland ku waayey xiisada kala dhaxeysa Imaaraadka, oo dhawaan si cad usoo if-baxday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker