Qabyaaladii oo Dawladnimada farabaas ku haysa By: Aswad Baarcad

Markii ay dhammaatay doorashadii uga dhaawicda badnayd dhismihii dawladnimo ee dadka reer woqooyigu isku dayeen in ay samaystaan tusaale na ugu noqdaan dadka Soomaaliyeed ee kale gaar ahaan Koonfurta Somaliya oo weli hirdan dhiig ku daadanayo oo aad u foolxun uu ka socdo, marka laga reebo Putland oo hanaan fiican la timid iyo horumar wax ku oola, ayaan geeraarkan yar ku tirtirsiyey madaxda iyo dadweynaha in aan qabiil iyo qaran is gelin oo shaqo isku lahayn.

Qabiilka iyo Qaranku waa isu dab iyo dhagax, batrool iyo olol, kufri iyo imaan. Waxaan u jeedaa waa laba aan meelba wada geli karin. Qaranimadu waxay ku dhisan tahay qofkastaa muxuu yaqaanaa ee ku biirin karaa, qabiilkuna wuxuu ku dhisan yahay indha la’aan, dumin, cadaalad darro, fasahaad, iyo musuqmaasaq. Qofkasta oo bulshada hormuud ugu ah aqoon maadiya, mid diineed, mid dhaqan, mid sugaaneed, mid qoraal, iyo mid siyaasadeed waxaa u yaala inuu daawade noqon ee uu falceliye noqdo uga jawaaba waxa socda si togan oo aakhiro iyo aduunkaba uu ku badbaado Ilaahay hortii.

1. Ceelkii lawada qoday
2. Dhiilkii lawada culay
3. Hashii loo cawaysimay
4. Ciil gaaxday lagu helay
5. Colaad guuna loo maray
6. Cara dhubta lagu ganay
7. Kumanaan cumamadan
8. Ciida hoose lagu rogay
9. Ragbaa caawa maaloo
10. Candholeeyey mandeq
11.Cadaaladii murkucatoo
12. Caqligiina gaw yidhi
13. Ceebaa duda taal
14. Caabaqiina sii korodh
15. Cad goosay maraysaa
16. Ceeb laga siqsiqiyo
17. Keligay inaan cuno
18. Cantablay maraysaa
19. Cugashada jifida baas
20. Qabiil loo cumamaday
21. Caku Kala taganee
22. Cuqdad beerka jiiftiyo
22. Cartan bay maraysaa
23. Cajab iyo warbaa yaal
24. Riyo lagu caweeyiyo
25. Cimridhererka malafsiga
26. Carabkoo xumaadiyo
26. Cuudkoo lakala dhaco
27. Agoontoo la calaftiro
28.Cadaab lagu halagmiyo
28. Cadho Eebe maraysaa
29. Allahii carshiga sare
30. Culuwiga lahaa yoow
31. Ceebaheena noo qari
32. Kuwa loo cumaaday
33. La caleemasaaree
34. Xilka lagu culaysiyey
35. Cawo iyo ayaan sii
36. Xaaraanta cunideed
37. Ka ilaali calaf baas

Aswad Baarcad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker