” Kulmiyena muddo kordhinta ehel buu u yahay ceebna uma yaqaano Kulmiye.. “

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu arimaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna dhignaa Sidan;

 

“KK Yaa ictiraafba ka hadlaya dawladnimo ayaa laga hadlayaa iyo ku dhaqanka sharciga oo dastuurku kow ka yahaye. Kursi loo doortay shan sanadood in 15 sanadood ku fadhiyo xildhibaanku haduu qurux u arko dantiisa gaarka ah ee shakhsiga ah wax ka badan kamuu talinin, waana sida xildhibaanadu u badan yihiin. Kulmiyena malaha waaba siyaasadiisa waayo muddo kordhinta ehel buu u yahay ceebna uma yaqaano Kulmiye ee wax lagu faano iyo xarago ayaabay ka dhigtaan II KORDHI AAN KUU KORDHIYO EH.

Waayo tani 2010kii dadanaj iyagaa hogaaminayay inta muddo kordhmo dhacayna waynu ognahay. Mudadaa wixii wanaagsanaaday guusheeda iyaga ayaa leh wixii xumaadayna iyagaa leh. Sharafta iyo quruxda iyo karaamada dawladnimadu kuma jirto kii la doortaa marka muddo-xileedkiisu dhamaado inu kursiga isku sii dhejiyo oo iskaga fadhiyo uun ee waxay ku jirtaa qofka xil loo doortaa marka muddo xileedkiisu dhamaado inu kursiga baneeyo hadii sharcigu u ogol yahay uu doonayana mar kale u soo tartamo oo hadii uu ku guulaysto intii uu fadjiyay in le’eg hadana ku sii fadhiyo iyadoo xalaal ah oo sharci ah. ”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker