Wax Ka Baro Shaqsiyadda Hawl-karnimo Ee Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo ka mida ah xeel dheerayaasha aqoon yahanadda reer Somaliland, kana mid ah ragii u soo halgamay dib ula soo noqoshadda madaxbanaanida Somaliland,sidaa darteed waxaan doonayaa inaan qoraal kooban ku yara cabiro shaqsiyada hawl karnimo ee Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

Waa mid aynu  dhamaanteenba rumaysanahay in   qof kasta oo inta uu aduunka jooggo  hogaamiye u noqda ummad   in suurtogalnimadeedu ay  tahay mid xagga RABI laga qoray,

Hase yeeshee ay tahay  Iraaddo xagga RABI ka timid   oo qofkaasi loo qoray  markii la Abuuray, taasi oo inoo cadaynaysa sida aan madaxnimo iyo hogaamin midnaba aan loogu gaadhi Karin  dedaal,  geesinimo, aqoon, wax bixin, hadal wanaagsani, ama wax kale. Balse waxa jirra astaamo iyo hab-dhaqan haybadeed iyo sifooyin gaar ah oo inta badan lagu tilmaansan karro qofka ku haboon in uu hogaamiye noqdo.

Astaamahaasi  oo laga dheehan karro kana muuqda inta badan shaqsigaasi, oo uu kaga soocan yahay bulshadda uu la nool yahay, laguna yaqaano oo ka soo muuqda ama ka soo if-baxa habka iyo hanaanka uu qofkaasi u dhaqmo

 bulshada kalena ula macaamilo.     kuwaasi oo ay ka mid yihiin sida uu u fikiro, waxyaabaha uu aaminsan yahay, hankiisa, himiladiisa, waxa uu hiigsanayo, sida uu wax u maamuli lahaa haddiiba uu hogaamiye noqdo  iyo waxa uu ku hamiyayo.

 Haddaba, waxaan qoraalkaygani uga dan leeyahay ama aan uga socdaa in aan bulshadeena wax yar uga iftiimiyo shaqsiyadda iyo hab-dhaqanka hogaamineed ee ka muuqda Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

Hadaba waxaan filayaa in cidkasta oo   bulshadeena ka mid ahi  ay aqoon  guud iyo mid gaar ahba u leeyihiin, inta badan bulshadda Somaliland

Hadaba qormadan oo aanu si taxane ah ugaga warami doono uguna soo qaadan doono shaqsiyadiisa, heerkiisa aqooneed, khibradiisa shaqo iyo arrimo kale, waxaanau si balaadhan ugu faaqidi doona, uguna lafo-guri doonaa qofka uu yahay Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

Wuxuu ku dhashay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isagoo wax ku bartay dugsiga caanka ah ee Sheekh.

 Iyadoo markii uu waxbarashadda dugsiga sare dhamaystay loo diray dalka Ruushka oo uu waxbarasho sare oo jaamacadeed ku soo qaatay cilmiga milateriga.

 Sidoo kale markii uu ka soo noqday dalka Ruushka waxa uu taliye milateri ka noqday goboladda dhexe ee wixii berigaas la isku odhan jiray Soomaaliya.

Sanadkii 1984-kii ayaa hadana mar labaad waxbarasho loogu diray dalka Maraykanka halkaasoo uu waxbarasho jaamacadeed military college.ku soo qaatay

Waxaanu  markii uu dhamaystay waxbarashadiisa u gudbay dhinaca dalka Canada, halkaasoo uu certificate of Engineering ku soo qaatay. Isagoo Canada ku noolaa muddo dheer, isla markaana shaqooyin kala duwan ka qabtay.

Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo horaantii sanadkan dalka Somaliland dib ugu soo laabtay ayaa ka ku tilmaamay u jeedadda uu dalka u yimid in ay la xidhiidho sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahaa.

Iyadoo markii uu gaadhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen boqolaal dadweynaha magaaladaas ka mida. Waxaanu Eng. Ibraahim Xaaji, hadda ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye.

 

Fahad Macalin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker