Banaanax Lagaga Soo Horjeedo Go’aan Madaxweynaha Puntland Ka Soo Saaray Lacagta Shillinka Soomaaliya Oo Galkacayo Ka Dhacay

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamul goboleedka Puntland waxa ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo diidmada lacagaha shilinka Soomaaliga kadib markii madaxweyne Deni uu shalay soo saaray wareegto lagu mannuucayo in lacagta shilin Soomaaliga lagu qaado cashuurka ilaha dakhliga.

Wareegtada madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa kusoo beegantay xilli Puntland laga cabanayo sicir bararkii ugu xooganaa abid, iyadoo albaabada loo laabay inta badan suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Banaanbax maanta ka dhacay Gaalkacyo, ayaa ah mid xoogan, iyadoo dadku cadho weyn ka muujinayaan hadalka madaxweyne Deni ee ah diidmada lacagaha shilinka Soomaaliya in lagu qaado canshuuraha.

Dibadbaxaayasha ayaa hakad galiyay isku socodka gaadiidka, iyagoo taayaro iyo dhagaxaan ku jaray wadada laamiga weyn ee bartamaha Gaalkacyo.

Inkastoo madaxweyne Deni uu sheegay in go’aanka uu qaatay uu qeyb ka yahay dadaalada lagula dagaalamayo sicir bararka hadana, wuxuu dhinaca kale niyad xumo kusii abuuray shacabka la daalaa dhacayay sicirka bararka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker