Itoobiya oo Somaliland u tababari doonta ciidamo boolis ah

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay heshiis la gashay Itoobiya kaas oo loogu tababarayo ciidan Somaliland.

War kooban oo lagu baahiyay bogga Faceboogga ee ciidanka booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in hoggaanka tababarka ciidanka booliska Jeneraal Cabdi Axmed Tiir iyo Madaxweynaha jaamacadda ciidamada booliska dowladda federaalka Itoobiya Mesfin Abeba ay kala saxiixdeen heshiiskaan

Faahfaahin dheer laguma sheegin qoraalka kooban ee baraha bulshada lagu baahiyay hase-yeeshee heshiiskaan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu socdaal ku tagay dalka Itoobiya taliyaha booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi, isagoo halkaas kula soo kulmay madaxda booliska dalka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker